Madaxweyne Farmaajo oo Al-Shabaab ugu baaqay wada hadal iyo in ay hubka dhigaan

Date:

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa mar kale ugu baaqay Kooxda Al-Shabaab wada hadal ay la galaan dowladdiisa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Al-Shabaab u diray fariin ah in aysan Shacabka dilin, hantidoodana bur burin, taa bedelkeed ay dowladda Federaalka wada hadal la galaan.

“Waxaan u direynaa dib u heshiisiin oo aan ka hadleynay maalmahaan la soo dhaafay oo idil waa qolada dorraad carruurta nooga laayay maqaayad lagu afurayey oo aanu u aabo yeelin dumar, duqey, carruur iyo cirroole oo aan u dirnay cafis oo aan ku dhahnay kaalaya waan wada hadleynaa hubka dhiga , haddii aad la dagaaleysaa dowlad, dowladdaan shacabkaa keenay ee aan wada hadalno, dadkaan haleynina hantidaanna ha burburinna, welina waan ku taagannahay, ilaahay waxaan ka baryeeynaa qoladaasi inuu soo celiyo oo caqligooda ku shaqeeyaan oo ay ka haraan qolada la shaqeysa ee ajanabiga ah”ayuu yiri Madaxweynaha oo hadalkan ka sheegay shir dib u heshiisiin oo shalay lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho, kaasoo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in xilligan aanay shacabka u baahneyn colaad joogta ah, balse ay u baahan yihiin nabad iyi barwaaqo.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...