Warta-nabadda oo u gudubtay wareegga siddeedda ee tartan cilmiyeedka

Date:

Habeenka 22-aad tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ee uu maamulka gobolka Benaadir, waxaa ku tartamay degmooyinka Shangaani iyo Warta-nabadda oo ka wada tirsan gobolka Benaadir.

Tartanka caawa oo aad u xiisa badnaa qeybta hore degmada walba waxaa la weydiiyey afar su’aal, waxaana kaddib lagu soo gudbiyey oo daawaneyaasha iyo dhageysteyaasha lagu dhiiragelinayo sida wanaagsan ee ay uga qeyb-qaadanayaan tartan cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan, sidoo kale waxaa loogu mahadceliyey dhammaan degmooyinkii wareegayada koobaad iyo labaad sida wanaagsan u soo tartamay dedaalka iyo aqoonta ay muujiyeen, kuwa hadda harayna laga doonayo sidaas oo kale.

Natiijada Shangaani

Degmada Shangaani ee gobolka Benaadir, waxaa la weydiiyey toddoba su’aal waxa ay si sax ah uga jawaabbeen hal, Lix waa ay iska qaldeen, wax ka faa’ideysi ah ma helin, sidaas ayeey ku heleen hal dhibac (1 dhibac).

Natiijada Warta-nabadda

Degmada Warta-nabadda ee gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey iyaguna toddoba su’aal waxa ay si sax ah uga jawaabbeen saddex dhibcood, afar ayeey iska qaldeen wax ka faa’ideysi ahna ma helin, waxa ay uruursadeen Lix dhibcood ( 6 dhibcood), degmada Warta-nabadda ayaa u gudubtay wareegga siddeedda ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka.

Habeen damnbe waxaa tartan xiiso bada uu dhaxmari doonaa degmooyinka Garbahaareey oo ka tirsan gobolka Gedo iyo Kaaraan oo ka tirsan gobolka Benaadir.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...