AKhriso war-murtiyeedkii ka soo baxay shirweynihii wadatashiga Qaran ee Hannaanka dib u heshiisiinta

Date:

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta iyo ergooyinkii shirka ka soo qaybgalay, waxay si wayn ugu faraxsan yihiin in Shirweynaha Wadatashiga Qaran ee Hannaanka Dib-u-heshiisiinta oo hal-ku-dheggiisu ahaa “isku daalnaye, maxaynoo dana!” si habsami leh u qabsoomay intii u dhexaysay 13 ilaa 17ka June 2017.

Shirweynahan Qaran waxaa ka soo qayb galay ergo matalaysey dadka Soomaaliyeed oo ka kala yimid Dowlad Goboleedyada, Maamulka Gobolka banaadir iyo marti-sharaf ka kala socday qaybaha bulshada oo tiradoodu isku ahayd 220 xubnood.

Ujeedooyinka ugu waaweyn ee shirwaynuhu waxaa ay ahaayeen:

  1. In la sameeyo xog-ururin iyo falanqayn la xiriirta khilaafaadka ka jira dalkeena Soomaaliya.
  2. In la ogaado baahida dib-u-heshiisiineed ee dalka ka jirta una baahan in wax laga qabto, iyo
  3. In la isla aqoonsado awooddaha, aqoonta iyo xirfadaha aan nabadda ku ilaalin karno waxna kaga qaban karno khilaafyada iyo yagleelida aasaas nabadeed oo dalka iyo dadka oo dhan gaara.

Si loo gaaro ujeeddooyinkaan, waxaa hab-socodka shirka wadatashiga loo agaasimay labo qaybood oo ku astaysan yoolka Shirweynaha iyo qaybo dhextaal ahaa oo isugu jirey suugaan iyo khudbado dhammaan kaabis u ahaa midho-dhalka shirka. Labada qaybood oo kala ahaa:

  1. In ergooyinkii Shirweynaha loo jeediyey mawduucyo aasaas u ah gaarista hannaan dib-u-heshiineed oo loo dhan yahay, si qoto-dheerna u qeexaya nuxurka uu yeelan karo

hannaankaasi iyo heerarkiisa kala duwan. Qaybtaan waxaa lagu lafa-guray mawduucyada hoos ku qoran waxaana soo jeediyey khubaro shirka kala shaqaynaysay Wasaaradda.

  1. Xaaladda nabadeed iyo khilaaf ee dalku maanta ku sugan yahay

 

  1. Dib-u-heshiisiinta iyo Dhaqanka Soomaaliyeed

 

  1. Diinta Islaamku waxa ay ka qabto dib-u-heshiisiinta

 

  1. Cadaaladda xilliga kala-guurka iyo dib-u-heshiisiinta

 

  1. Kaalinta Haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin nabaddaynta iyo xallinta khilaafaadka

 

  1. Aragtiyo la xiriira nabadda, xallinta khilaafaadka iyo Soomaalida laga tirada badan yahay

 

  1. Kaalinta warbaahintu ku leedahay nabadda iyo xallinta khilaafaadka

 

  1. Waayo-aragnimadii iyo casharradii laga bartay dadaalladii dib-u heshiineed ee bulshadu hogaaminaysay iyo dadaaladii dhidibada loogu taagay maamuladii hore u dhismay
  2. Qaybta labaad waxa ay ku saabsanayd falanqayn ku aadan xal-u-helidda khilaafka iyo mushkiladda ugu weyn ee dalkeenna ka taagan ee heer qaran iyo xog-ururin ay ka-qayb-galayaasha shirku ku lafo-gureen kadibna ku soo bandhigeen khilaafyada baahsan ee ka jira guud ahaan dalka, isla markaana waxa ay soo bandhigeen sidii xal waara loogu heli lahaa.

 

 Federal Republic of Somalia

Ministry of Interior, Federal Affairs & Reconciliation

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta

جمهورية الصومال الفيد را لية

وزارة لشؤون الداخلية

والمصالحة والفيد رالية

Xog–ururintii Ergada Shirweynaha

Ergooyinka shirweynuhu, iyagoo ku salaynaya macluumaadkii ay xambaarsanaayeen mawduucyadii loo soo jeediyey, waxaa u suurtogashay in ay si sahlan, heer qaran iyo heer deegaanba u fariistaan isla markaana u asteeyaan khilaafyada hadda taagan ee wax-ka-qabashada u baahan, heer qaran iyo heer gobolba. Si loo helo xogo dhammaystiran oo abbaaraya macluumaadka loo baahan yahay, waxaa ergada loo qaybiyey su’aalo hagaya una fududaynaya in ergadu falanqeeyaan khilaafyada heerarka kala duwan leh.

 

Nuxurka Shirka Kasoo Baxay

  1. In dadka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan, u diyaar-garoobaan dib-u-heshiisiin dhab ah oo dhammaystiran
  2. Si dib-u-heshiisiin waarta, laga wada raali yahay oo xanaf-tiran loo helo, waa in la dejiyo

 

HANNAAN (hab-raac dhammaystiran) oo jeexaya waddadii (roadmap) loo mari lahaa dib-u-heshiisiin isu soo celisa kalsoonidii iyo walaaltinimadii dadka Soomaaliyeed ee colaaddu kala irdhaysay

  1. In la is barbar wado dhammaystirka dawladnimo iyo dib-u-heshiisiinta bulsho, si ay labadaasi isu kaalmeeyaan
  2. In dejinta hannaanka dib-u-heshiisiintu noqdo mid talo badan la galiyey oo turxaan baxsan kalsooni buuxdana lagu wada qabo, la wada leeyahay, isla markaana abbaartiisu tahay hirgelinta dib-u-heshiisiin gun weyn oo dhab ah, kuna qotonta run, cadaalad iyo is-cafis
  3. In hindisaha dib-u-heshiisiinta hogaamintiisa iyo hirgelintiisuba ay noqdaan kuwo Soomaaliyi iska leedahay, u madax-bannaan tahay, oo gacanta ku hayso bilaw ilaa dhammaad
  4. In ay dawladdu agaasinto oo fududayso hirgelinta hannaanka dib-u-heshiisiinta iyada oo la kaashanaysa dowlad goboleedyada iyo khubarada Soomaaliyeed ee nabadaynta iyo xallinta khilaafaadka ku xeeldheer

 

Baaqa Shirka

Shirku waxa uu ku baaqayaa:

  1. In ay dowladdu hirgeliso balanqaadkeedii dib-u heshiisiinta
  2. In dowladdu mudnaan gaar ah siiso dhaqaalena u qoondayso deminta khilaafyada hadda taagan ee dhiiggu ku daadanayo si hanaanka dawladnimadu u hanaqaado
  3. In la taageero oo la tayeeyo hay’adaha iyo qaybaha bulshada ee u xil-saaran deminta khilaafyada iyo mushkiladaha ergooyinka shirku xogtooda uruuriyeen
  4. In dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyaduba si degdeg ah wax uga qabtaan cadaalad-darrooyinka sida qaybsiga khayraadka, adeegyada, awoodda (metelaadda). Sidoo kale xad-gudubyada ka dhan ka ah bani’aadanimada arrimahaas oo ay ergooyinkii shirku marar badan kusoo celceliyeen.
  5. Shirku wuxuu ku baaqayaa in la dedejiyo istaraatiijiyada iyo qorshaha dib-u-heshiisiint, isla markaana si degdeg ah looga hawl galo colaadaha taagan.

Fiiro Gaar ah: dhammaan macluumaadkii laga soo jeediyey shirka oo faahfaahsan waa keyd ummadeed waxaana haysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta

Dhamaad

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...