Wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh iyo wafdi uu hogaaminayo oo kulan la qaatay Madaxweynaha Puntland.

Date:

Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo wafdigiisa ee ku sugan magaalada Garoowe ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu horeeyn, Wasiir Xoosh ayaa Madaxweyne Gaas uga mahadceliyay soo dhaweeynta heerka sare ah ee ay u sameeyeen wafdiga uu hogaaminayo.

“Waxa aan kaaga mahadcelinayaa soo dhaweeynta wanaagsan ee aad noo sameeyseen, waana mid nagu dhiiragelineysa inaan ku soo noqono magaaladan” ayuu yiri Wasiirka.

Dhanka kale, AVV Xoosh iyo Madaxweynaha Puntland ayaa kawada hadlay sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta ka dhaxeysa Wasaaradda iyo Dawlad Goboleedka Puntland.

“Waan ognahay doorkii wanaagsanaa ee ay Puntland ka soo qaadatay Geedi-socodkii ansixinta Dastuurka qabyada ah ee la ansixiyay 1 Aug 2012, hadana waxaan idinka rajeyneynaa kaalintii shalay mid ka sii fiican in aad ka qaadataan Ololaha dib u eegista Dastuurka taasoo ku suurtageli karta in aynu xoojino wadashaqeynta inaga dhaxeysa” ayuu yiri Mudane Cabdiraxmaan Xoosh.

Ugu dambeyn,Madaxweynaha Puntland ayaa wafdiga uga mahdaceliyay booqashadooda, sidoo kale wuxuu ku ammaanay Wasiir Xoosh iyo dhamaan shaqaalaha Wasaaradda sida dardarta leh ee ay kuwadaan hawlaha Wasaaradda, waxa uuna ballanqaaday in Puntland ay qayb lixaad leh ka qaadan doonto hannaanka dib u eegista Dastuurka.

—–DHAMAAD—–

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...