R.W Kheyre oo la dar-daarmay Ergooyinka Shirweynaha Wadatashiga qaran ee hannaanka dib-u-heshiinta.

Date:

Muqdisho, 15 June 2017…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey ergooyinka ka qeyb galaya Shirweynaha Wadatashiga qaran ee hannaanka dib-u-heshiinta oo soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, kaas ay ka soo qeyb galeen dad weyne isaga kala yimid gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in shirkaan uu noqdo mid u horseeda horumar dhamaan shacabka ku nool Jamhuuriyadda Soomaaliya oo sanado badan ay haysteen dhibaatooyin kala duwan, isla markaana loo baahan yahay in la joogteeyo dib-u-heshiisiinta.

‘’Dib u heshiisiinta waa inaaney halkan ku joogsan, ee waa in la joogteeyaa, si loo adkeeyo midnimada dadka. Dawladda iyo hay’adaha kale ee waddanka ka jira diyaar bay u yihiin inay idin la shaqeeyaan, isla markaana idin fidiyaan taageerada aad u baahan tihiin.’’ayuu yiri Kheyre oo dhanka kale sheegay in tiirarka asaaska u ah dawladda Soomaaliya uu yahay hirgalinta nidaam dib-u-heshiin baahsan oo gaarta guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

“Waxaa xaqiiqo ah in dadkeena ay ka go’antahay nabad iyo iskaashiga, waxaana idiin sheegayaa dadku waxa ay go’aansadaan wey gaaraan, waxaan rajeynayaa in Soomaali meel kasta oo ay joogto ka gudubto dagaalka iyo khilaafka ayna u gudbaan nabad, iskaashi iyo wadajir” ayuu yiri raaciyey Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre oo hadal dheer ka jeediyay shirka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay dadka ugu badan ee khilaafaadku ka dhexeeyo ay kamid yihiin siyaasiyiinta, wuxuna kula dar-daarmay in midnimada dadkeena la xoojiyo. Shirkan ayaa marka uu dhamaado waxaa laga soo saari doono qodobo waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed. Gaar ahaan arrimaha dib-u-heshiisiinta.

—–DHAMMAAD—

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed.

Shirweynahan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo...

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

War-murtiyeed laga soo soo-sooray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

War-murtiyeed ayaa laga soo saaray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda...

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka daahfurtay Ololaha 16-ka maalmood ah ee la dagaallanka tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka, Amb. Khadiija Maxamed...