Ciidamada Gaashaan oo Soo Gaba-gabeeyay Weerarkii xalay lagu qaaday Pizza House iyo Posh

Date:

Ciidammada sida gaarka ah u Tababaran ee Gaashaan ayaa ku guulestay inay soo Afjaraan weerarka Argagixisada ay ku qaadeen Maqaayadaha Pizza House iyo Posh.

Howlgal qaatay muddo saacado ah oo ay ciidamada sida gaarka ah u diyaarsan xalay ilaa iyo saakay ay wadeen ayaa lagu guuleystay in la soo gaba-gabeeyo iyadoo goobta laga soo saaray dad dhaawacya qaba  iyo kuwa dhintay.

Tirada Dhimashada ayaa la sheegayaa in ay gaareyso ku dhawaad 18 ruux  ay kujiraan Lix gabdhood oo Maleeshiyaadka cadowga ay halmeel kuwada dileen, kuwaas oo labo ka mid ah ay wada dhasheen. halka dhaawacana uu yahay 19 ruux, dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwo goobta u yimid in ay waqti nasasho ah ku qaataan.

Dableyda hubeysan ee gudaha ugashay maqaayadda Pizza House  iyo ciidamada ammaanka ayaa saacado  ku dagaallamayay gudaha maqaayadda, taas oo keentay in ay damaan leerarkii iftiinka howlgalkuna sidaa u ku dheeraado.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay in la toogtay dhamaan raggii gudaha u galay Maqaayadda Pizza House xaaladduna ay dagan tahay goobtana ay joogaan  ciidamada ammaanka.

Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa si isku mid ah weerarkan ugu qaaday maqaayadaha Pizza House iyo  Posh hasa ahaatee waxa ay gudaha u galeen maqayadda qasaaraha badan ka dhashay ee Pizza House oo ka soo horjeedda  Posh oo labaduba ah goobo dhallintu ay ku caweeyaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo xilka u kala wareejiyay Guddoomiye kuxigeenka Cusub ee Howlaha Guud iyo Guddoomiyihii hore

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo deeq lacageed ku wareejiyay Hay’adda SoDMA

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Safaaradda JFS ee Dalka Hindiya oo soo dhaweysay diblomaasiyiin ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Safaaradda JFS ee Dalka Hindiya ayaa Madaarka Caalima ah...

Duqa Muqdisho oo Magacaabay Agaaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...