Wareegto ka soo baxday xafiika wasiirka wasaaradda Amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducaale Islow ayaa lagu faahfaahiyay goβaanada ku saabsan sugidda amniga masβuuliyiinta dowladda.
Wsiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducaale Islow ayaa sheegay in muddo afar iyo toban cisho gudahood ay masβuuliyiinta dowladda ku soo diiwaan geliyaan ilaaladooda gaarka ah, waxaana uu xusay in tani ay qeyb ka tahay goβaankii Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya ee ku aadanaa sugitaanka Amniga iyo Xasalinta Amniga caasimadda, goβaankasi oo ku taariikheysnaa 11 May ee 2017.
Goβaanka Golaha Wasiirada faqradda 7-aad oo uu dhigan sidan. βWaxaa laga mamnuucay dhammaan qofkasta oo ay ku jiraan Masβuuliyinta dowladda in magaalada Muqdisho aysan ku dhex wadan karin ilaalo ka badan 4 askari iyo ugu badnaan 2 gaari, mana qaadan karaan qori ka wayn AK47β.
Si loo dhaqangeliyo goβaankaasi ayuu Wasiirka Amniga ugu qabtay Xildhibaananda labada aqal, Xubnaha Golaha Wasiirada iyo dhammaan Masβuuliyiinta kale ee dowladda in muddo afar iyo toban maalmood (14) gudahooda ay ku soo diiwaan geliyaan ilaalada gaarka ah iyo Hubka ay sitaan, waxayna diiwaan gelinta ka bilaabaneysaa xarunta Hogaanka Dambi baarista (C.I.D)
