Dowladda Federaalka wey ka go’antahay wax u qabashada Muwaadiniinteeda

Date:

Muqdisho, 13 June 2017 – Dowlada Federaalka Soomaaliya wey ka go’antahay wax u qabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka duuleysa muhiimada wargelinta shacabka marwalba si ay xaalada ula socdaan ayaa Dowladu waxey baaq u direysaa shacabka ee ku aadan dhibaatooyinka tahriibka si loo yareeyo khasaaraha shacabka ka soo gaara iyagoo u tahriibaya dalal kale. Dowladu waxey si joogta ah ula socotaa dhaqdhaqaaqyada iyo xaaladaha muragada leh ee ka soo yeereysa tahriibka badaha oo shacab fara badan ay waxyeelo ka soo gaartay.

Sidaas daraadeed, Dowlada Federaalku waxey shacabka u xaqiijineysaa inay wado dadaal walba oo lagu badbaadinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan. Dhowaan ayey aheyd markii ay Dowladu heshiis la gashay Dalka India si maxaabiista Soomaaliyeed dib dalkooda loogu soo celiyo.

Dowladda Federaalku waxey sameysey Guddiyo Heer Wasiir iyo Heer farsamo oo wax ka qaban doono Tahriibka iyo sida loo badbaadin lahaa Muwaadiniinta Soomaliyeed ee dhibaatada heysata.

Sidoo kale Dowlada Federaalku waxey wadaa shirar wada tashi oo ay la yeelaneyso Hay’ado Caalami oo ku lug leh arrimaha tahriibka kana shaqeeya wadamada ay ka mid yihiin Libiya iyadoo kala hadashay sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada taagan.

 

DHAMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...