R.Wasaareyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya oo yeeshay kulan looga hadlayey Xoojinta xiriirka labada dal.

Date:

Muqdisho, 11 June 2017 –Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Hailemariam Dessalegn. Waxay labada Ra’iisul Wasaare ka wada hadleen dadaallada Soomaaliya ugu jirto xasilinta dalka, iskaashiga labada dal, Dhaqaalaha iyo horumarka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya wuxuu dhiggiisa Itoobiya kala hadlay sidii uu dalka Itoobiya u kordhin lahaa taageerada uu siiyo Soomaaliya . Mudane Hailemariam Dessalegn ayaana ballan qaaday inuu dalkiisu diyaar u yahay sidii mar walba loo xoojin lahaa iskaashiga labo geesoodka ah ee ka dhexeeya labada wadan.

“Waxaan leenahay dalka Itoobiya iskaashi iyo xiriir qoto dheer. Waxaan uga mahad celinaynaa dalka Itoobiya sida wanaagsan oo uu mar walba noogu garab taagan yahay dadaalka aan ugu jirno xasilinta iyo nabadeeynta Soomaliya. Ayuu yiri R.W Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegey in ey isla garteen dhiggiisa Itoobiya sidii looga wada shaqayn lahaa xoojinta arrimaha dhaqaalaha isla markaana labada dal xiriirkoodu ku koobnaan doonin Amniga oo kaliya, sidoo kalena ay bilaabayaan xiriir cusub oo dan u ah labada dawladood.

R-Wasaaraha Itoobiya ayaa ammaanay sida wanaagsan ee ay Dawladda federaalku ula macaamilaan maamul goboleedyada iyo xoojinta iskaashiga dhex mara dhinacyda Soomaalida. Waxana ay labada R.Wasaare isla qaateen in la dhiso guddi heer wasiir ah oo ay hoggaaminayaan Wasiirada Arrimaha dibadda ee labada dal, si loo dardar geliyo xiriirka cusub ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Raiisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale uga qeyb galay Addis Ababa shir deg deg ah oo isugu yimaadeen madaxda IGAD kaas oo loog hadlayey xiisadaha ka aloosan Koonfurta Sudan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...