Raβiisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed GeeddiΒ oo ka soo qeyb-galay shirweyaha wadatashiga hannaanka dib u heshiisiinta , ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay la yimaadaan is cafin dhab ah oo ku aaddan Soomaali mideysan.
βshirweyne Soomaaliyeed oo lagu xuso madaxdii hore ee dalka waa qeyb ka mid ah db u heshisiinta Soomaaaliyeed, waxaan uga mahadcelinayaa dhabbaha ay qaadday dowladda Federaalka Soomaaliya macdammaa ay bilowdey in ay la tashato dadweynaha Soomaaliyeedβ ayuu yiri Cali Maxamed Geeddi.
Raβiisul wasaarihii hore ayaa sheegay in loo baahan yahay is cafin, hanta isu-celin iyo in beelaha Soomaaliyeedna ay si dhaqan ah uga qeyb-qaataan arrimaha dib u heshiisiinta,Β waxa uu tilmaamay in ay Β run tahay inaan wada ogaanno sida Soomaalida ay ugu sahlan tahay in ay heshiiyaan, waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaaliyeed in ay fahmaan oo ay taageeraan dib u heshiisiinta, isla markaana ay ka qeyb-qaataan.
Raβiisul wasaarihii hore CaliΒ Maxamed Geeddi ayaa Dowladda SoomaaliyaΒ ugu baaqay in xuquuqda caasimaddaΒ la helo oo dadka deegaan xuquuqdooda siyaasadeed iyo matalaaaddooda dib loo siiyo, ayna ku imaan karto maqaamka Muqdisho oo la nidaamiyo, Β taas oo uu xusay in ay qeyb ka tahay dib u heshiisiinta ummadda.
Guddoomiyaha gobolka Benaadir ayuu ku ammaanay sida uu maamulkiisa uga qeyb-geliyey bulshada Soomaaliyeed ee deegaannada kale dalka deggan, waxa uu ku tilmaamay in ay tahay bilow fiican.
