Duqa Muqdisho oo bulshada caasimadda ugu baaqay dib u heshiisiin

Date:

Duqa Muqdisho  Thabiit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in shirweynaha hannaanka Dib u heshisiinta Qaran ee Muqdisho ay martigelineyso in uu yahay shirkii ugu weynaa muddo toban sanno ah la isugu keeno qeybaha Soomaali intoo badan.

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho, ayaa u rajeeyey dadka Soomaaliyeed in shirkaan ka qeyb-galay uu noqdo kii soo gabo-gabeeya khilaafaaadka dadweynaha Soomaaliyeed ka dhaxeeya, dib u heshiisiinta waxa ay aas-aas u tahay nabadda, horumarka, Caddaaladda iyo Iskaashiga bulshada oo dhan, marnaba inaan laga harin arrimaha dib u heshiisiinta ayaan ku talinayaa,  waxa uu sidoo kale ku baaqay in laga qeyb-galo dardargelinta howlgallada nabadda ee ka socda magaalad Muqdisho.

“Caasmadaha dunida waxaa ku nool celis celis ahaan 10% Muqdisho waxaa ku nool in ka badan 25%, taas oo daliil ah in ay ku  wada nool yihiin bulsada Soomaaliyeed oo dhan, waxaan ugu baaqayaa dadweynaha Soomaaliyeed ee caasimadda ku nool  in ay isa-saamaxaan oo ay is cafiyaan, maadaama bil Barakeysan ee Ramadaan lagu gudo jir, shirweynahanna guul ayaan u rjeynayaa” ayuu yiri  Duqa Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Benaadir aaa khudbaddaan ka jeediyey shirweynaha wadatashiga Qaran ee hannaanka dib u heshiisiinta ee magaalada Muqdisho maanta ka furmay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...