Madaxweyne Farmaajo “Waxaa la burburiyay Saldhig ay maleeshiyada Al-Shabaab ku lahaayeen Saakow”

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi ayaa war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiskiisa lagu sheegay in la bur buriyay, isla markaana weerar lagu qaaday saldhig tababar oo Argagixisada Al-Shabaab ku lahaayeen meel u dhow Degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.

Qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgalkan ay fuliyeen ciidadanka sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya  oo taageero ka helaya ciidamada kale ee caalamiga ah.

“Weerarkan oo ahaa mid guul ku dhammaaday ayaa lagu burburiyay xarun tababar oo muhiim u ahayd hawlaha amni darro ee ay kooxdan soo abaabusho. Tani waxay wiiqaysaa awoodda cadowga uu kusoo abaabulo weerarro cusub”ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale Warkaan ayaa lagu sheegay in howlgalkaan uu guuleystay oo la burburiyay dhammaan Saldhigii ay argagixisada ku lahayd Degmada Saakow.

“Tan iyo markii aan la wareegay Xafiiskaan waxaan balan qaaday in Muhiimadda koowaad ay u tahay dowladayda Ammaanka,” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo casho sharaf u sameeyay Culimada Soomaaliyeed ee ka qeybgalay Shirweynaha 3-aad.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Dekadaha XFS oo ka qeybgalaya shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha Adduunka.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur,...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Muqdisho ka furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magaalada Rabat kula kulmay dhiggiisa dalka Morocco.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...