Diyaarad ku burburtay garoonka Garbahaarey

Date:

Wararka naga soo gaaraya gobalka Gedo ayaa sheegaya in diyaarad Xamuul ah oo u rarnayd hey’adda Qaramada Midoobay ee WFP ay ku dhacday Garoonka diyaaradaha magaalada Garbahaareey xarunta gobolkaas.

Guddoomiyaha gobalka Gedo ee maamulka Jubbaland Maxamed Maxamuud Maxamed ayaa SONNA u xaqiijiyay in diyaaradaan ay saarnaayeen labo qof oo kaliya iyo raashin gargaar ah, isla markaan ay ka bad baadeen labada qof ee saarnaa diyaarada.

Xuseen Maxamed Cabdi oo ka tirsan maamulka degmada ayaa sheegay in diyaaradda burburisay guriyihii ka ag dhowaa garoonka diyaaradaha oo ah halka ay diyaarada ku dhacday maanta.

Gudaha magaalada Garbahaareey ee xarunta gobalka Gedo ayaa waxaa laga arkayay uuro iyo Dab ka baxaya diyaarada oo marka ay dhacday ka dib qabsaday, ilaa iyo hadda lama xaqiijin sababta keentay burburka diyaaradan.

Dhowaan ayaa sidoo kale, garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaa ku soo dhacday duyuurad ka diiwaangashan dalka Mareykanka isla markaana u rarneyd shirkad AMISOM taageerta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...