Ciidammada Ammaanka oo Qabtay Qaraxyo la soo dhigay Degmada Waabari

Date:

Ciidanka Ammaanka ayaa degmada Waabari ku qabtay labo qarax oo la doonayay in shacabka lagu dhibaateeyo, iyadoo lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Mid kamid ah Qaraxyada ayaa la dhigay albaabka hore ee Iskuulka Almasal oo ku yaala dugsigii 21 Octoobar, halka midka kalana la dhigay maqaayad yar oo ku taala meel aanan ka fogayn Iskuulkaas.

Saraakiil ka tirsan hey’adaha Ammaanka ayaa xaqiijiyay in mid ka mid ah Qaraxyada la fur furay, halka midka kalana ciidammadu ay ayagu qarxiyeen oo aan wax khasaare ahna geysan.

Cabdifitaax Cumar Xalane, oo ah afhayeenka gobalka Benaadir ayaa SONNA u xaqiijiyay in wax khasaaro ah aysan ka dhalan qaraxa ciidamadu ay qarxiyeen.

Wariye ka tirsan Wakaaladda SONNA ayaa soo sheegaya markii Ciidamadu ay qabteen qaraxyada in dadka laga saaray guryaha iyo goobaha kale ee ku dhow halka lagu qabtay qaraxyadaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...