Tartamayaasha X/weyne oo wareegga labaad u gudbay caawa

Date:

Habeenkii Lixaad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta degmooyinka gobollada dalka oo uu taabagelinayo maamulka gobolka Benaadir, waxaa ku tartamay degmooyinka X/weyne iyo Kaxda oo ka wada tirsan gobolka Benaadir.

Labada degmo, waxaa ka weydiiyey su’aalihii tartanka ee toddoba su’aal degma walba, afar su’aallood kaddib wadarta guud ka dhigeysa sideed su’aal ayaa la galay qeybta  nasashada, iyadoo lagu soo gudbiyey warbixinnadii ka hadlayey Taariikhda labada degmo ee Kaxda iyo X/weyne ee gobolka Benaadir.

Natiijada Kaxda

Guddigiga tartanka ayaa dhammaadka su’aallaha kaddib shaaciyey natiijada tartanka, degmada Kaxda waxaa la weydiiyey toddobo su’aal, waxa ay si sax ah uga jawaabeen afar su’aal saddex waa ay iska qaldeen, wax kka faa’ideysi ahna ma  helin, sidaas ayeey ku heleen siddeed dhibcood.

Natiijada X/weyne

Sidoo kale degmada X/weyne waxaa la weydiiyey toddoba su’aal, si sax ah waxa ay uga jawaabeen saddex su’aal hal su’aal ka faa’ideysi ayeey ku heleen saddexna waa ay iska qadldeen, iyaguna waxa ay uruursadeen siddeed dhibcood, sidaa darteed guddiga ayaa shaaciyey  in loo baahan yahay su’aallo dheeri ah, maadaama ay isku dhibco noqdeen, waxaau lagu daray  min  saddex su’aal.

Natiijada su’aallaha dheeriga ah

Su’aallaha dheeriga ah ee lagu daray kaddib degmada Kaxda waxaa la weydiiyey saddex su’aal, waxa ay ka jawaabeen laba su’aal hal su’aalna waa ay iska qaldeen, sidaas ayeey ku uruursadeen wadarta guud 12 dhibcood.

Degmada X/weyne iyaguna waa la weydiiyey saddex su’aal oo dheeri ah, waxa ay ka jawaabeen laba  su’aal oo la weydiiyey mid saddexaad oo ka faa’dieysi ahna waa ay saxeen, sidaas darteed waxa ay uruursadeen 14 Dhibcood oo ay ugu gudbeen wareegga labaad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka.

Habeen dambe, waxaa tartami doona degmooyin Kaaraan oo gobolka Benaadir ka tirsan iyo degmada Boosaaso oo ka tirsan gobolka Bari Puntland.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo safar shaqo ku jooga Nairobi ayaa la kulmay madaxda Bangiga Aduunka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta...

Xamarweyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaasha

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Degmooyinka Xamarweyne,...

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee...