Gaalkacyo oo u gudbtay wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka

Date:

 

Habeenkii afaraad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinka ee ay degmooyinka gobollada dalka ku baratamayaan, waxaa ku hardamay degmooyinka Gaalkacyo oo Mudug ka tirsan iyo Boondheere oo ka tirsan Benaadir ka tirsan.

Tartanka  xiiso gaar ah ayuu lahaa, waxaa sida caadiga aheyn degma kasta la weydiiyey Toddobo su’aallood oo isugu jira Diini, Seynis, Xistaab, aqoon guud iyo taariikhda dalka, qeybtii koobaad ayaa  lagu hakiyey kaddib markii labada degmo la weydiiyey min afar su’aal.

Ka hor qeybta labaad ee tartanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinnadii ka hadlayey Taariikhda Gaalkacyo iyo Boondheere, taas oo wax badan u tarta isdhexgalka tartamayaasha degmooyinka gobollada dalka.

Natiijada degmada Boodheere

Tartamayaasha degmada Boondheere oo la weydiiyey toddobo su’aal waxa ay si sax ah uga jawaabbeen laba su’aal, wax  ka faa’ideysi ah ma aysan helin waxa ay uruursadeen afar dhibcoon

Natiijada degmada Gaalkacyo

Sidoo kale tartamayaasha degmada Gaalkacyo, waxaa la weydiiyey toddobadii su’aal ee tartanka, waxa ay ka jawaabeen laba su’aal, wax ka faa’ideysi ah ma helin, waxa ayna iska qaldeen shan su’aal, si la mid ah waxa ay heleen afar dhibcoon.

Guddiga tartanka , ayaa u mahadceliyey labada degmo sida habsamida leh ee ay tartanka uga qeyb-qaateen, balse labada degmo oo la weydiiyey dhammaan su’aalihii tartanka, ayaa is mari waayey, waxaana lagu daray su’aallo dheeri ah, sida sharuucda tartanka ka mid ah.

Labada degmo waxaa dib loo weydiiyey  min hal su’aal oo dheeri ah, Boondheere oo ugu horreyn la weydiiyey kama aysan jawaabin su’aasheedii, Gaalkacyo oo si ka faa’ideysi ah loogu gudbiyey ayaa ka faa’ideysatay, sidoo kale Gaalkacyo su’aasheydiina si sax ah ayeey uga jawaabtay, waxa ayna uruursadeen siddeed dhibcood.

Guddiga ayaa shaaciyey in degmada Gaalkacyo ay u gudbtay wareegga Labaad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka gobollada dalka.

Habeen Dambe waxaa tartami doona Dhahar oo ka tirsan gobolka Sagaal  iyo Dhuusamareeb oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

 

 

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: NISA oo mid dishay, midna nolosha ku qabatay rag dil ka geysa rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...