Howlgallo ka dhan ah Al-shabaab oo ka bilowday Gobalka Bakool

Date:

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa ka bilaabay Deegaano ka tirsan Gobalka Bakool Howlagalo looga sifeynayo  Maleeshiyaadka Argagixisada ee Alshabaab .

Sargaal ka tirsan guutada 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo ku sugan Gobalka Bakool ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Ciidamada ay qaadeen dhowr jidgooyo oo u tiilay kooxda Alshabaab, kuwaas oo lagu dhibaaateen jiray shacabka deegaanadaasi ku dhaqan.

“Ciidamada Xoogga Dalka oo kaa shanaya shacabka waxay ku guuleysteen in ay qaadaan jidgooyooyin ay dhigteen kooxda Alshaab ,waxaana Gobalka ka socda Howlagal ka dhan ah kooxdani caadeysatay dhibaateen Umadda Soomaaliyeed”ayuu yiri Sargaalkan ka tirsan guutada 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood ayaa dhawaan sheegay in ciidamada xoogga dalka ay diyaar garow xoogan ugu jiraan sidii dalka looga cirib tiri lahaa maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda oo baaq nabadeed kasoo saartay Dilalka iyo Beegsiga ka dhacaya qeybo ka mid ah dalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa baaq...

Horjooge katirsanaa khawaarijta oo lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada BFS oo kulan su’aalo–weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka, ay hoggaamineysay...