FALLO: Ciidamo gaar ah oo howgallo ka bilaabay Muqdisho

Date:

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay howl galada xasilinta ee dhowaan lagu wado inuu ka bilowdo Magaalada Muqdisho, kaasoo lagu xaqiijinayo ammaanka, islmarkaana l;agu soo celinayo nidaamka iyo kala dambeynta, kaasi oo looga hortagayo falalka ammaan darro ee mar mar ka dhaca Caasimadda Dalka Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka ay maalmaha soo socda ay bilaabi doonaan howl gal lagu sugayo Muqdisho, ka hor inta aysan bilan bisha Ramadaan ee Barakeysan, taasi oo lagu yaqaan Kooxaha Nabad-diidka inay bishaasi bilaabaan inay falal isugu jira Dilkal, Qaraxyo iyo khal-khalgalin ka sameeyaan Magaalooyinka Dalkia Soomaaliya.

Wasiirka oo aarrintaasi sii ambaqaadaya ayaa yiri “Howl galada dhowaan ayay bilaaban doonaan, waxay Ciidamada amniga guri guri u baari doonaan Magaalada, si loo xasiliyo amniga Caasimadda”, isagoo sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in bisha Ramadaan ay Al-Shabaab kordhiyaan weerarada, isagoo xusay in sababaha howl galada loo bilaabanayo ay ka mid yahay in la sugo ammaanka.

Arrintaasi uu Wasiirku ka dhawaajiyay ayaa waxay daba-joogtaa kadib markii ay Golaha Wasiiradu dhowaan soo bandhigay go’aanno lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda, iyadoo la sameeyay Ciidan isku dhaf ah oo ka qeyb-qaadanaya howlaha sugida nabadgalyada Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shalay booqday Xarunta Ciidamada wadajirka ah ee fulinaya Qorshaha Xasilinta Caasimada Muqdisho, kadib howlgal ay sameeyeen oo ay ku soo heleen hub iyo Aalado kale, iyadoo howshaasi ay durbadiiba muuqato sida ay uga jibba keeneen arrimaha loo xilsaaray Ciidamadaasi.

.Ra’iisul Wasaare Khayre oo hadal dhiirigelin ah u jeediyey Ciidamada howlgalka Muqdisho ayaa ku ammaanay doorkooda geesinimada leh oo ay u istaageen inay shacabka Soomaaliyeed amnigooda iyo xasilloonidooda sugaan, isagoo xusay isla markaana sheegay in maanta la joogo waqtigii xoojinta midnimada ummadda iyo u istaagista difaaca shacabka.

Ciidanka wadajirka ah oo shalay aroortii 6da subaxnimo ka bilaabay howlgalkooda degmada Wadajir, xaafada Xaawo Taako ee Siliga Ameerikaanka ayaa gacanta ku soo dhigay 17 Qori iyo 3 bistooladood, tuutaha militariga, kan booliiska, calaqa iyo xashiish.

Ciidanka ayaa sidoo kale isla shalay howlgal kaa la mid ah ka sameeyey Degmada Shingaani oo ay baaris ku sameeyeen goob Hubka lagu sameeyo, laguna gado, wuxuuna Ciidanka la soo wareegay qalabkii sameynta hubka iyo kuwii hubka looga baabi’inayey numberkooda, waxaana goobtaasi laga soo helay 2 Qori iyo 3 Bistooladood.

Waxaa kaloo jirta in Ra’isul Wasaaraha oo la fariistay shacab iyo arday ku sugneyd goobaha shaaha lagu cabo ee Degmada Wardhiigley, waxa uuna la sheekeystay dhalinyaradii iyo ardeydii halkaas ku sugneyd oo uu ka wareystay xaaladooda, waxaana intii uu joogay halkaasi ku soo maray Ardey ka soo baxday Iskuulka ay wax ku baranayeen oo uu Ra’iisul Wasaarahu ka wareystay xaalada waxbarashadooda, iyadoo ay ka mid ahaayeen Dadkii uu la kulmay Gabdho ka yimid Magaalada London ee Cariga UK oo Degmada Wardhiigley iskuul ka dhigta, iyagoo sheegay sida ay ugu faraxsan yihiin inay Madaxdooda la sheekeystaan iyo inay Soomaaliya wax ku bartaan.

Haddaba waxaa shacabku ka dhur-sugayaan Ciidamadaasi gaarka ah ee loo unkumay xasilinta iyo sugidda Ammaanka Magaalada Muqdisho inay ka soo dhalaalaan howshaasi amni ee loo igmaday, islmarkaana waxaa laga doonayaa dadweynaha inay gacan ku siiyaan Ciidaankaasi habsami u fulinta howsha ay Ummadda u hayaan.

Qallinka: C/laahi Ruush

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...