Qarax dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Manchester

Date:

Ugu yeraan 19 ruux ayaa geeriyootay, halka 50 kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii qarax loo maleynayo in ay argagaxiso ka dambeyso uu ka dhacay magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska.

Weerarka ayaa dhacay saacadda UK 22:35, iyadoo goobta uu qaraxa ka dhacay ay ka socotay bandhi faneed ay qabanaeysay fanaanada reer Mareykanka  Ariana Grande.

Ra’iisul wasaaraha dalka UK Theresa May, ayaa tacsi u dirtay dadkii ku waxyeloobay qaraxa,waxayna xustay ” Waxaa ay booliisku la tacaalayaan ayaa ah fal argagaxiso “.

Ciidamada kala duwan ee dalkaas ayaa goobta loo daad gureeyay, waxaana dadka dhaawacmay la aaminsan yahay in ay soo gaareen firirada qaraxa sababay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegtay in ay hakineyso ololaha doorashada oo dhowaan dalkaas lagu qaban doono isla markaana shir guddoomin doonto shir deg deg ah oo arintan looga hadli doono.

“Waxaan ka shaqeynaynaa sidii loo heli lahaa faahfaahino ku saabsan waxa magaalada Manchester ka dhacay, ”  ayay sheegtay May.

Dadka goobta ku sugnaa ayaa lagu soo waramayaa in ay ku badnaayeen haween iyo carruur, iyadoo hoolka qaraxa uu ka dhacay uu qaadi 21-kun hase ahaatee ilaa iyo hadda lama xaqiijinin tirada xalay ku jirtay kolkii qaraxa uu dhacay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...