Kulan looga dooday arrimaha Federalka Soomaaliya oo lagu qabtay Minnesota

Date:

Kulan cilmiyeedkaan oo ay soo qabanqaabisay Madasha Dood Qaran ee saldhiggeedu yahay magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa waxaa lagu casuumay shaqsiyaad isugu jira siyaasiin caan ah iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ka kala yimid meelo kala duwan, kuwaasi kala ah Yussura Abrar oo ah gabar dhinaca dhaqaalaha ku taqsuustay, islamarkaana mar ahayd Guddoomiyihii Bangiga dhexe ee Soomaaliya. Dr. Cabdulqaadir Cabdi Xaashi oo ahaa Wasiirkii hore ee Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya. Prof. Axmed Muunin Warfaa oo ah aqoonyahan wax ka dhiga Jaamacadda ku taal gobolka Utah ee dalka Mareykanka, islamarkaana mar isku sharaxay xilka Madaxweynimada Soomaaliya. Avv. Cabdulwaaxid Cabdullaahi Warsame oo ah nin sharciyaqaan ah oo ka shaqeeya xaafiiska xeer ilaalinta ee magaalada Columbus ee Gobolka Ohio.

Kulankan ayaa waxaa si weyn looga dooday fahamka ay dadka Soomaalidu ka haystaan nidaamka federaalka oo ah mid ku cusub hab maamulka dowladnimada Soomaaliya iyo waxyaabaha laga dhaxalay sanadihii koobnaa ee nidaamkaan dalka ka shaqeynayey.

Dooddayaasha ayaa si weyn ugu kala aragti duwanaa hanaanka Federaalka, kuwaasi oo dhinacyo kala duwan ka eegayey sida dhaqaalaha, dhaqanka iyo sharuucda dalka u taal sidii loogu dabaqi lahaa.

Cabdulqaadir Cabdi Xaashi oo ahaa Wasiirkii Waxbarashada oo ugu horreyn goobta ka hadlay ayaa ka sheekeeyay qaabka uu ku soo bilowday nidaamka Federaalka iyo sidii uu ku soo galay dowladnimada Soomaaliya, isagoo sheegay aas-aaska Federaalka ay saldhig u ahayd kala fogaanshiyaha iyo aamindarada Soomaalida soo kala dhexgashay tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee dalka ka talinaysay, islamarkaana Soomaalidu ay galeen colaado sokeeyo oo dhumiyey kalsoonidii dadka Soomaaliyeed.

Prof. Warfaa ayaa dhankiisa sheegay in Federalku uu noqon karo mid dadka Soomaalida si weyn isugu soo dhaweyn kara, haddii si wanaagsan loo baahiyo, islamarkaana lala yimaado faham ku saabsan sida la isugu maamulo. Warfaa oo u muuqday in uu si weyn ula dhacsan yahay nidaamka Federaalka ayaa ku dheeraday waxyaabaha wanaagsan ee laga dhaxlikaro, isagoo sheegay in uu Soomaalida u horseedikaro barwaaqo haddii ay fahmaan qaabka la isugu maamulo. “Anigu waxaan aaminsanahay in uu Soomaalida u keenikaro barwaaqo iyo isku soo dhawaanshiyo, waxaana tusaale idin kugu filan dalka Mareykanka ee aan joogno,” ayuu yiri Warfaa.

Sidoo kale, Yussura Abrar ayaa dooda dhinaceeda diiradda ku saartay dhaqaalaha Soomaalida iyo nidaamka Federaalka, iyadoo sheegtay in aysan Soomaalidu haysan dhaqaale ku filan oo ay nidaamkaan ku baahinkaraan.

Ugu dambeyn, doodda waxaa ka hadlay Cabdiwaaxid Cabdullaahi Warsame, kaasi oo sheegay marka hore loo baahan yahay dib u heshisiin Soomaalida dhexmarta, gaar ahaan qabaa’ilaadka, kuwaasi oo kala tabanaya dhibaatooyinkii ay horseedeen dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Kulankaan dood wadaagga ahaa ayaa waxaa ka soo qeybgalay boqolal ruux oo ah Soomaalida ku dhaqan gobolka Minnesota, kuwaasi oo su’aallo iyo fikradaba ku biirinayey mas’uuliyiinta lagu marti-qaaday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...