20 Haween oo qareeno ah oo maanta tababar loo furey

Date:

Aqoon is weydaarsiga maanta uga furmay magaalada Muqdisho in ka badan 20 haween  oo qareeno ah, kuwaas oo ka kala yimid gobolada dalka ayaa waxaa uu socon doonaa sadaxda maalin ee soo socota, waxaana diirada lagu saari doonaa xal u helida xadgudubyada ka dhanka ah haweenka.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya Dr Ismaaciil Jimcaale Calasow, oo furay aqoon is weydaarsiga ayaa waxaa uu kula dar daarmay gabdhaha qareenada ah in ay ka mira dhaliyaan hadafka ay isugu yimaadeen.

Dr Ismaaciil Jimcaale Calasow, ayaa sidoo kale ka sheegay furitaanka aqoon is weydaarsigan in wasiirka cusub ee wasaaradda cadaalada uu ku soo kordhiyya wasaaradda fikrada ah in la dar dar galiyo baahinta cadaalada iyo haweenka doorkooda kor loo qaado isla markaana gobolada dalka oo dhan la gaarsiin doono.

Sanado badan haweenka Soomaaliyeed kama dhex muuqan nidaamka cadaalada iyo ururada qareenada dalka haatanse, waxaa muuqata in wasaaradda cadaalada ay dadaal dheer ugu jirto in haweenku door weyn ka qaataan arintaan ujeedka laga leeyahay ayaana ah in haweenka dhibanayaasha ah ay helaan haween qareeno ah oo xaquuqdooda u dooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...