Wasiirka Qorsheynta oo sheegay in lala socon doono mashaariicda dalka laga fuliyo

Date:

Wasiirka wasaarada qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha xukuumada Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa hadalkan ka sheegay tababar ku saabsanaa  dabagalka iyo qiimeynta mashaariicda horumarineed ee hay’adaha caalamiga iyo dowladaha caalamka  ay ka fulinayaan dalka, kaas oo loo qabtey qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaraddaha xukuumada Soomaaliya iyo kuwa  maamul gobaleedyada.

Wasaarada qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha xukuumada Soomaaliya oo tababarkan qabatey ayaa ujeedkiisu yahay  in la tayeeyo aqoonta iyo xirfada shaqaalaha dowlada iyo in dabagal iyo barista  lagu sameeyo mashaariicda dalka soo galayo.

Xoghayaha Joogtada ah wasaarada qorsheynta Xukuumada Soomaaliya Cabdi Ciise Diirshe,ayaa goobta ka sheegay in uu rajaynayo in natiijo fiican ka soo bixi doonto Shaqaalahan ka faa’ideysananaya tababarkan.

Wasiirka wasaarada qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha xukuumada Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa sheegay in tababarkan wax badan ka tari doonto aqoonta iyo xirfada shaqaalaha dowlada, isagoo sheegay in looga baahanyahay shaqaalada dowlada tababarkan ka faa’ideysanaya  in ay la socdaan  deeqaha iyo mashaariicda dalka soo galaya iyo in sidii la rabey  loo fuliyey.

“Tababarkan aad qaadaneysaan waxaan ra jaynayaa in wax badan ka qabto la socodka mashaariicda dalka laga fuliyo sidii loogu talagalay loo fuliyo, wax badan ayaan aragnay iyadoo la leeyahay labo milyan ama sadex milyan ayaa ku baxday Soomaaliya inta badan ma heyno, hadda kadib waxaan rabnaa in la sameeyo warbixinno sheegaya waxa ummadda Soomaaliyeed magaceed lagu qaadanayo meesha ay aadaan” ayuu yiri wasiirku.

Wasiirka qorsheynta xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale xusey in haddii aan dabagal lagu sameynin dhaqaalaha dalka ay ugu deeqaan dowladaha Caalamka isla markaana loo soo dhiibo hey’adaha ajnabiga ah ay dhici doonto in Soomaalida ay yihiin kuwo musuq maasuq ah oo aan wax lagu aamini karin.

“Adninka ayaa wax badan ka bedeli kara warbixinada (reports) aad keentaan sida naloola dhaqmo, waxaan jeclaan lahaa in aad xil gaar ah iska saartaan sida aan u dabagali la heydeen u xoojin la heydeen xiriirka idin ka dhexeeya wasaaradaha kale ee dowladda federaalka, xiriirka idin kala dhexeeya maamul goboleedyada iyo in ay howshan ay tahay mid loo qabaneyo ummadda Soomaaliyeed,” ayuu markale sheegay wasiirka.

Talaabadan ayaa wax badan ka tari doonta hadii sida ay tahay loo dhaqangeliyo in dhaqaalaha faraha badan ee magaca Soomaaliya lagu bixiyo aan meel khaldan loo adeegsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...