SHIRKA SOOMAALIDA EE LONDON OO FURMAY & MADAXWEYNAHA OO KA HADLAY

Date:

Magaalda London waxaa ka furmay shirka looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ay marti gelineyso dowladda Britain.

Shirkan ayaa waxaa ka qaybgalaya hoggaamiyeyaasha caalamka, waxayna ujeedadu tahay in laga wada arrinsado sidii loo kordhin lahaa gargaarka bani’aadannimo iyo sidii horumar looga gaari lahaa arrimaha ammaanka Soomaaliya iyo Kobcinta dhaqaalaha.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa  furtaanka shirka ka sheegay in markii uu xilka qabtay uu muhiimadda koobaad siiyay sidii wax looga qaban lahaa xalaadda abaarta ee dalka ka taagan,  si looga hortago in ay dhacdo xaaladdii sanadkii 2011kii oo kale macluul iyo musiibooyinka kalena ay ka dhashaan.

Waxa uu sheegay in dowladdiisa ay ka dhabeyn doonto ladagaalanka saddexda cadow ee Soomaaliya ay leedahay, sida uu yiri, kuwaas oo kala ah, “argagixisada, musuq-maasuqa iyo saboolnimada”.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu xoojin doono nidaamka federaalka Soomaaliya, islamarkaana dhowaan la dhameystiri doono sharciyada la xiriira nidaamka xisbiyada, si xildhibaanada iyo kooxaha kale ee daneynaya ay u dhistaan xisbiyo siyaasadeed.

Madaxweynaha  ayaa u mahadceliyay hoggaamiyeyaasha caalamka iyo qurbo-joogta Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay ka jawaabeen baaqii dowladda Soomaaliyeed  ee ahaa in gargaar lala soo gaaro shacabka ay abaartu ku habsatay.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu  sheegay in abaaraha dalka ka jira ay barakiciyeen ilaa 600,000 oo qof tan iyo bishii November ee 2016, wuxuuna ugu baaqay caalamka in laga hortago in dalka ay ka dhacdo xaalad bani’aadanimo iyo  in diiradda la saaro sidii looga soo kaban lahaa abaarta.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhex

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq...

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...