Shir caalami ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ka furmaya London

Date:

Shirka looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga furmaya magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska, iyadoo ay ka qeyb galayaan ku dhawaad 50 dowladood iyo ururo caalami ah.

Kulanka waxaa shir guddoomin doono Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxmaed Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Britain Theresa May iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutters.

Shirkan ayaa diirada lagu saarayaa illaa afar ajande oo ay ku hoos-jiraan qodobo kala duwan, waxaa ka mid ah Ammaanka, Siyaasada, Dhaqaalaha, arrimaha bani’aadanimada iyo kuwa kale.

Wafuudda heerka caalami ee shirka ka qeyb galayesa waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaaraha Turkiga, Madaxweynaha Kenya, Madaxweynaha Uganda, Ra’iisul Wasaaraha Ehtiopia iyo wakiilo ka socda dowladaha taageera Soomaaliya.

Gebo gabada shirka ayaa lagu wadaa in laga soo saaro go’aano wax ku ool ah oo ku saabsan sidii dowladda Soomaaliya looga caawin lahaa dhinacyada Amniga, dhaqaalaha iyo Siyaasadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...