Wasiir ku xigeenka Wasaaradda kalluumeysiga oo kormeeray Xaafadda kalluunka Deg Waabari

Date:

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda  Cabdullaahi Cumar Abshirow oo ay wehlinayeen Agaasimaha Guud ee  iyo qaar ka mid ah  Agaasime Waaxeedyada Wasaaradadda Kalluumeysiga ayaa kormeeray Xaafadda  kalluunka  ee degmada waabari oo ka mid ah dhulka wasaaradda  ay lahayd oo muddooyin kii dambe ay daganaayeen dad shacab ah.

Wasiir kuxigenka ayaa xaafadda kalluunka kula kulmay Guddi Odayaal ah oo  ka socday dadka Xaafadda Daggan, iyagoo ka wada hadlay sidii dhulkaas loo banayn lahaa.

Cali Axmed Cabdulle oo ka mid ah Odayaasha Xaafadda kalluunka ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin inay Baneeyaan dhulka wasaradda Kalluumeysiga.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda kalluumaysiga Cabdullaahi Cumar Abshirow oo lahadlay Warbaahinta Qaranka ayaa Akhriyay wareegto ka soo baxday wasaaradda Kalluumeysiga oo la xiriirta in wasaaraddu u baahan tahay deegaankan.

Dhanka kale Wasiir kuxigeenka ayaa booqday Xaru Cusub oo ay ku shaqayn doonto wasaradda Kalluumeysiga taas oo ku taalla Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir-guddoomiyay Kulanka 28-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika

Washington, DC: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

Muqdisho, 16 April, 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...

Soomaaliya oo si cad u diidday faragalinta Israa’iil

WAR SAXAAFADED. FAAFIN DEG DEG AH Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Diidday...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn...