Taariikh kooban: Aasaaskii Ururka Caalamiga ah ee Shaqaalaha Dunida ILO (Warbixin)

Date:

ย Inkastoo xilligii kala duwanaa ee uu jireay biniโ€™aadamka gaar ahaanย  bilowgii hababkii ,dhul-goosiga iyo is-adoonsiga ee caalamka ay muuqdeen tacadiyo ku dhacayey dadka xoogsatada ah ama shaqaalaha haddana ย waxaa si toos ah loo xusi karaa waqtigii ay soo ifbaxeen ย ย kacaankii warshadaha oo ku beegnaa sanadkii 1770-kii,kaas oo ย dalal badan ayย  horumar ka gaareen dhinaca ย warshadaha,iyo beeraha.

Dabayaaqadii qarnigii 18-aad waxaa bilowday dhaqdhaqaaqyo iyo kacdoonno lagu raadinayo in xoogsatada ka howlgala warshadaha,beeraha,macdan qodista iyo kuwa kale ย ay helaan xuquuq iyo xoriyad dheeraad ah arintaasina waxa ay abuurtay ย in uu isbadal ku yimaado dhinacyada ammaanka, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arimaha bulshada ee inta badan dalalka caalamka ah.

Xoogsatada amaย  shaqaalaha oo ahaa dad muruqmaal ah oo dantu bidday in ayย ย ku shaqeeyaan duruufo adag oo u saamaxay in ayย  dulqaad u yeeshaan dhibaatooyinkii kaga imaanayey milkiliyaasha ama loo shaqeeyaha,haddana waxay ย gacan ย ka geysteen xagga ย waxsoosaarka iyo sameynta nuucyada kala duwan ee gaadiidka dadweynaha,sameynta biraha xadiidka, tareenada,maraakiibta,gawaarida,diyaaradaha iyo warshadaha dharka.

Tusaale ahaan Boqortooyada Ingiriiska oo gumeystay dalalka caalamka intooda badan iyo Mareykanka oo xornimo ka qaatay Boqortooyadaasi ayaa ahaa dalalkii ugu horeeyay ee aqoonsada midowga ururada xoogsatada ama shaqaalaha

Midowga xoogsatada Ingiriiska waxaa saarnaa cadaadis illaa laga soo gaaro sanadkii 1882-dii inkasta oo shaqaalaha ka howlgalayey magaalada London ay ahaayeen kuwo ka nolol wanaagsanaa kuwa gobolada kale sida Weylis,Iskotlan iyo Airlan,waxaana isla sanadkaasi goboladaasi ku fiday kacdoono shaqaale oo la doonayey in lagu madaxbaneeyo xoogsatada oo markii dambe qarnigii 19-aad ay u suurtagashay in ay helaan ย wakiillo matalaya midowga ururada oo ka shaqeeya danaha xoogsatada haddaay ahaan lahaayeen shaqaalaha warshadaha,kuwa qoda macdanta,beeraha iyo kuwo kale.\

Markii ugu horeysay dalka Mareykanka waxaa qeybo kamid ah sanadkii 1882 lagu ย qabtay maalin loogu magic daray maalinta shaqalaha,kadibna ย waxaana sanadkii 1896-dii guud ahaan gobolada dalka Mareykanka ka bilowday aqoonsiga xoriyadda ay leeyihiin xoogsatada amaย  shaqaalaha ,waxaana tallaabadaasi ku soo biiray dalal badan oo reer galbeed ah

xoogsatada dalka Faransiska waxa ay soo bilowdeen 1895โ€“1914 inkastoo ay jireen maamullo fowdo ah oo adeegsanaayey awood. 1906 shaqaalaha ama xoogsatada dalkasi waxa ay ku andacoodeen in xornimo buuxda la siiyo midowga xoogsatada. 1909 qaar kamid ah maamulayaashii xoogsatada iyo boqolaal shaqaale ah ayaa la dilay kadib kolkii ciidamada Faransiiska ay isku dayeen in ay kala eryaan dad shaqaale isu soo baxay

Dhalashadii ururada xoogsatada dalka Talyaanigaย  waxa a sanadkii 1861-dii kadib ay ku bilowdeen socod ama dhaqdhaqaaq gaabis ah oo ka muuqday xirfadaha ย ย ururo kala duwan .3-dii June 1944 xilligaasi oo Talyaaniga uu ka qeybqaadanaayey dagaalkii labaad waxaa heshiis wada saxixay guddiyo ka socday ururada Shuuciga,Bulshada iyo Katooliga,kuwaas oo matalayey xoogsatada ama shaqaalaha ,isla markana doonayey ย midowga ย shaqaalaha .Sanadkii 1950-kii waxaa dalka Talyaaniga lagu aasaasay midowga shaqaalaha Talyaanigaย Italiana del Lavoro )

Midowga xoogsatada dalka Kanada waxa uu ahaa mid jiray illaaย 1800 kuwaas oo ay muuuqdeen sida midowga xoogsatada xirfadaha badaha xilligii ay socdeen dagaaladii lagu joojinaayey adoonsiga dadka ee snadkii 1812-kii .ย Midowga Xoogsatadii ย kanada wxa ay horay xiriir ula lahaayeen farsamayaqaanada Ingiriiska ee ka tagay dalka Ingiriiska oo xambaarsanaa dhaqan ahaan ama fikradaha ay ku shaqeynayeen midowga xoogsatada Boqortooyada Ingiriiska. .Midowga Xoogsatada Ingiriiska ee ka howlgalaayey dalka Kanada ayaa xarumo badan oo xagga shaqada ah ku yeeshay dalkaasi. .Midowga xoogsatada Kanada waxa ay sidooo kale xiriir la lahaayeen ku Mareykanka.

Xisbiga shaqaalaha dalka Australia ayaa hogaaminaayey dhaqqdhaqaaqii shaqaalaha horaantii qarnigii 20-aad, Kaas oo orod ugalay in la dhameeyo xaaladaha caruurta lagu shaqeeyo,in la hormariyo badbaado qabka shaqaalaha,kordhinta mushaarooyinka midowga xoogsatada iyo kuwa aan ku jirin midowgaasi iyo kor u qaadidda waxyaabaha dabooli kara baahida bulshada sida nolosha,wxbarashada iyo yareynta saacadaha shaqada

Midowga shaqaalaha dalka Jaban waxa uu soo ifbaxay xiliyaddii(Meijiย ) eeย October 23, 1868ย  illaa ย July 30, 1912 oo talada ay hayeen ย boqortooyadii dalkaasi,waxyna illaa laga soo gaarat 1945-tii ay ahaayeen kuwo uu hooseeyay xuquuqda ay lahaayeen .ย Dagaalkii labaad markii uu Mareykanku qabsaday dalka jaban,waxaa bilowday dhiirigalinta iyo aasaaskii xornimo doonka ururad xoogsatada dalkaasi,isla markiiba waxaa xubno buuxa ka noqday 5-milyan oo shaqaale ah

Bilowgii qarnigii 19-aad dalalka Scandinavia midowga xoogsatada waxa ay ahaayeen kuwa ugu badan shaqaalaha dalalkaasi ,isla markaana heystay xaqa iyo xuquuqda shaqo .Tirada ugu bad ee xubno ka ah midowga xoogsatada ayaa xilligaasi lagu sheggay in ay ka jireen dalalka Sweden ,Denmark iyo Filland

Xoogagga shaqaalaha dalka Jarmalka waxa ay leeyihiin taariikh dib u galeysa kacaankii Jarmalka ee sanadkii 1848-dii ,illaa haddana waxa uu door muhiim ah ka qaataa dhaqaalaha dalkaasi iyo xagga wax soo saarka bulshada. .Muhiimadddaย  ugu weyn ururada shaqaalaha waaย  midowgaย  ururka xoogsatada shaqaalaha oo loo yaqaannoย  (Deutscher Gewerkschaftsbund,kuwaas oo ay wakiilllo ka yihiin wax ka badan 6-milyan oo ruux.

Haddaba, Iyadoo lagaduulayo cabashooyinka iyo kacdoonada kale ee ay ku dhaqdhaqaaqeen xoogsatadii ku noolaa dalalka Yurub iyo kuwii kale ย waxa ay sababeen in sanadkii 1919-kii la unko Ururka Caalamiga ah ee Shaqaalaha dunida ILO ,kadib kulan magaalooyinka Paris iyo Washington ay isugu yimaadeen wakiilada sagaal dal oo kala ah Belgium, Cuba, Czechoslovakia, France, Italy, Japan, Poland,Boqortooyada Ingiriiska iyo Mareykanka, kaas oo uuย hogaaminaayey ย Samuel Gompers oo ah madaxa shaqaalaha Federaalka ah ee Mareykanka AFI

Isla sanadkasi ,gaar ahaan bilihiiย January iyo April ย waxaa la sameeyay dastuurka ururka shaqaalaha oo dhigayey in la yareeyo saacadaha haqada oo lagu soo kobo muddo 8-saacadood ah,dhowrista xuquuqda shaqaalaha,ilalinta dadka daโ€™da ah iyo haweenka,iyadoo mudnaanta la siinayo ย Urur ay ku mideysan yihiin xubno ka socda dowladaha,Shaqaalaha iyo xoogsatada oo maamula ururka caalamiga ah ee shaqaalaha dunida .

Waxaa marag-madoonto ah in dad badan oo xoogsato ah ay soo gaartay waxyeelooyin kala duwan oo isugu jiray dhimasho kumanaan ruux ah,dhaawacyo aan la qiyaasi Karin iyoย ย shilal kale mudadii ay socdeen kacdoonadii looga horjeeday milkilayaasha warshadah iyo beeraha sanadihii u dhaxeyay dabayaaqadii qarnigii 18-aad iyo bilowgii qarnigii 19-aad.

Dhismaha ururka ILOย  ee shaqaalaha dunida sanadkii 1919-kii waxa ย uu calaamad u noqday ย soo afjariddaย  dagaalkii koowaad ee calamka,kaas oo muujiyayย kalsooni iyo is aaminsanaan caalamka ah oo aakhirkii keenay nabad dhameystiran oo salka ku heysa bulsho caddaalad ah.

Sanadkii 1920-kii,waxaa hogaamiyihii ugu horeeyay ee maamula ururka shaqaalaha dunida ILO loo doortayย ย Franceโ€™s Albert Thomas waxaana labadii sano ee u horeysaayย  xubno ka noqday 16 urur weyne halka 18-urur oo kale ay codsadeen in ay ku soo biiraan

1926 Guddi khuburo ah ย of la socda howlaha ILO ayaa la sameeyay kuwaas oo howshodu aheyd kormeerka foomamka ama diwwnka ururda ku soobiiraya ILO ,guddigaasina waa mid illaa hadda shaqeeya ,wuxuuna ka koooban yahay xeerbeegto madax bannaan oo masโ€™uul ka ah in ay la socdaan warbixinada dowladaha ย iyo soo bandhigidda sanad kasta warbixinada laga soo uruuriyo xoogsatada ama shaqaalaha dunida haddey ahaan lahaayeen tacadiyo loo geysto ama ammaanta ay leeyihiin.

Bishii ย May 2012 waxaa hogaamiyihii ururka ILO ama Agaasimihii guud ee ย tobnaad loo doortayย  Guy Ryder oo u dhashay dalka Ingiriiska,waxaana uu mar kale ku guuleystay in la doorto shan sano oo kale.

W/qoray Shire Xasan Kulmiye

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale