War-Murtiyeedka Shirweynaha Qaran ee Wada-tashiga Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada

Date:

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ayaa soo qabanqaabisay Shirweynaha Qaran ee Wada-tashiga Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, kaasoo ka socday magaalada Muqdisho intii u dhexeysay 6da illaa 8da May 2017ka.

Shirweynahan oo uu furay Wasiirka Koowaad, Mudane Xasan Cali Kheyre, waxaa ka soo qeyb galay illaa 60 xubnood oo ka kala socda Xafiisyada Madaxtooyada iyo Wasiirka 1aad, Guddiga Baarlamaanka ee Isgaarsiinta, hay’adaha federaaliga ah sida Garyaqaanka Guud, Bankiga Dhexe, wasiirrada isgaarsiinta ee dawlad-goboleedyada ee Puntland, Koofur Galbeed, Jubaland, Galmudug & Hirshabeele, shirkadaha isgaarsiinta iyo adeegga internet-ka, iyo ururrada ay ku mideysan yihiin jaamacadaha.

Shirweynahan oo uu soo xiray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa ujeeddooyinkiisa waxaa ugu muhiimsanaa sidii loo dhisi lahaa kalsoonida dhinacyada iyo sidii bog cusub loogu furi lahaa xiriirka Wasaaradda iyo dhinacyada ay khuseyso, isla markaana looga wada shaqayn lahaa wadaagista xogta iyo qorshayaasha

TALOOYINKA SHIRWEYNAHA
Ergadii ka soo qeybgashay shirweynaha qaran ee wada-tashiga isgaarsiinta iyo teknolojiyada waxay soo jeediyeen talaabooyinka hoos ku xusan:

QODOBO GUUD
1. In Wasaaraddu joogteyso kulamada noocan oo kale ah oo lagu kala warqaadanayo, lagu waadagayo qorshayaasha, isla markaana lagu dhisayo kalsoonida dhinacyada, iyada oo Shirweynaha kan xiga lagu qaban doono dowlad-goboleedka Jubbaland.
2. In la xoojiyo xiriirka ay Wasaaraddu la leedahay wasaaradaha qaabilsan isgaarsiinta ee dawlad-goboleedyada, iyadoo Wasaaraddu adeegyadeeda u sii marsiinayso wasaaradahan,
3. In qorshaha wasaaradda ee seddexda sano ee soo socota laga tixgeliyo qiimeynta baahiyaha dhinaca tiknolojiyadda iyo isgaarsiinta dowlad goboleedyadda.
4. In la xoojiyo wadashaqeynta wasaaradda iyo shirkaddaha isgaarsiinta, internetka iyo bahda waxbarashada, si loo horumariyo adeegyada ay bixiyaan.
5. In adeega astaanta qaranka ee internetka Dot.SO la gaarsiiyo dhamaan hay’adaha dowladda ee federaalka iyo kuwa maamul goboleedyadda iyada howshaasna ay gacanta ku hayso wasaaradda.
6. Wasiiradda isgaarsiinta ee dowlad goboleedyadda waxa ay soo jeediyeen in mashruuca taakuleynta isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda (ICT) lagu saleeyo baahida iyo mudnaanta deegaanadooda ka jirta si uu u yeesho saameyn waxgal ah.

ISGAARSIINTA & INTERNET
7. In baahi weyn loo qabo in la meel-mariyo xeerka isgaarsiinta ee qaranka oo aasaas u noqon doonta maareynta hirarka, shatiyada, iyo xiriirka ka dhexeeya dawladda iyo dhinacyada uu khuseeya xeerkan, fulintiisana loo dhaadhiciyo ilaa heer dowlad goboleed.
8. In Wasaaraddu ka shaqeyso sidii ay shirkaduhu u heli lahaayeen hal albaab oo ay u maraan dawladda, gaar ahaan dhinacyada rukhsadaha, canshuuraha, iwm.
9. Shirkaduhu waxay codsadeen in Dawladdu kala shaqeyso sidii loo abuuri lahaa jawi ku habboon ganacsigooda, iyadoo laga caawinayo sidii loo yareyn lahaa caqabadaha haysta shirkadaha ee xiriirka la leh arrimaha amniga.

TEKNOLOJIYADA IYO WAXBARASHADA
10. In Wasaaraddu hormuud ka noqoto sidii teknolojiyada casriga ah loogu adeegsan lahaa adeegyada kala duwan ee dowladda sida ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka, maaliyadda, iwm.
11. In la dhiirrigeliyo dhismaha machadyo farsamo oo dhinaca teknolojiyada, lana dhiirrigeliyo hal-abuurka dhallinyarada ee la xiriira arrimaha teknolojiyada si loo kobciyo shaqo-abuurka.
12. In kor loo qaado aqoonta cilmiga tiknolojiyadda ee shaqaalaha dowladda iyada oo dib loo howl gelinayo Machadka qaran ee isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda.
13. In Wasaaraddu kala shaqeyso Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare sidii manhajka waxbarashada Soomaaliya loogu dari lahaa maaddo la xiriirta teknolojiyada oo ka soo billaabaneysa heer hoose.
14. In dawladdu ay caawiso ururrada cilmibaarista iyo dalladaha waxbarashadda xarumo u qaabeysan sida maktabadaha oo ay ardeydu ka heli karaan adeegyada la xiriira teknolojiyada iyo adeeg Internet jaban.
15. In jaamacadaha Soomaaliyeed lagu dhiirri-geliyo inay ka faa’iideystaan adeegga astaanta qaranka ee internetka ee u gaarka ah waxbarashada (.edu.so).

Gabagabadii Shirweynuhu wuxuu si weyn ugu mahad celinayaa dhammaan ka-qeybgalayaasha, si gaar ah wuxuu shirweynuhu ugu mahadcelinayaa Madaxda iyo aqoonyahannada sida fir fircoon uga qeyb galay shirka.

Ugu dambayntii Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan, wuxuu u mahad celinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullahi (Farmaajo), Guddoomiya Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyo Ra’iisul Wasaaraha JFS Mudane Xasan Cali Kheyre oo taageero buuxda u muujiyay hawlaha ay waddo Wasaaradda.

Shirweynaha Wada-tashiga Qaran ee Isgaarsiinta & Teknolojiyada
Muqdishi, 8da May 2017

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartamayaasha Degmada Caabudwaaq oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...