Gudoomiyaha Gobollka Banaadir oo AMISOM Ka mamnuucay Wadadda Maka Al-mukaraha soona saaray amaro kale.

Date:

Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in Gudoomiyaha Gobolka Benaadir Ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed uu Soo Saaray Amar Looga Mamnuucayo Maridda Gaadiidka Ciidanka AMISOM Wadadada Makka- Al-mukarama oo Ka Bilaabaneysa Isgooska Sayidka (Oto-Oto) Ilaa Isgooska Benaadir Laga Bilaabo Saacadaha 6:00 Subaxnimo Ilaa 12:00 Habeenimo.

Sidoo kale  Gudoomiyaha Gobolka Benaadir Ahna Duqa Magaaladda Muqdisho ayaa soo saaray  Amar Looga Mamnuucayo In Gawaarida La dhigto dhinacyadda Wadaddooyinka Maka Al-Mukaramaha iyo Wadada ka baxda Km4 ilaa garoonka Aadan Cadde.

Amaradan lagu diidayo in gawaaridda la dhigto dhinacyadda laamiga ayaa looga gol leeyahay in la yareeyo Qatarta ka dhalan karto qaraxyadda Gaawaarida lagu soo xiro oo ay dad badan oo shacab ah ku dhamaadaan , waana tilaabo wanaagsan oo qeyb ka noqon karto amniga Magaalada Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kula la qaatay Duqa Magaalada Seattle ee dalka Mareykanka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho Mudane Amb. Maxamed Cali...

Wasiirka Warfaafinta iyo mas’uuliyiin kale oo booqday goob dalxiis oo ku taalla degmada Kaxda

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay Dib-u-dhiska Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo magacaabay Golaha Wasiirrada maamulkaas

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan...