Xeer madaxweyne oo Xilka looga qaaday Hanti-dhowrihii Qaranka

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, ayaa soo saaray xeer madaxweyne oo uu ku akhbalay xil ka qaadistii Hanti-dhowrihii Qaran, taas oo ka soo baxdey markii horey golaha wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya.

Xeerkaan uu soo saaray madaxweynaha,  waxaa lagu sheegey in si rasmi ah xilkii looga qaadey Nuur Faarax Jimcaale, iyadoo  loo maray hab-raaca sharciga uu dhigayo, isla markaana sarreynta sharciga ahmiyadda koobaad la siiyey.

Arrintaan ayaa ka dambeysay kaddib markii golaha wasiirrada Xukuumadda F. Soomaaliya ay soo saareen xil ka qaadis Hanti-dhowrihii Qaranka kaddib dilka wasiirkii Howlaha Guud oo ku dhintay Rasaas ay hubiyeen ilaaladii Hanti-dhowrihii horre.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...

War-Saxaafadeed Wadajir ah Shiinaha iyo Soomaaliya

Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...