Xeer madaxweyne oo Xilka looga qaaday Hanti-dhowrihii Qaranka

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, ayaa soo saaray xeer madaxweyne oo uu ku akhbalay xil ka qaadistii Hanti-dhowrihii Qaran, taas oo ka soo baxdey markii horey golaha wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya.

Xeerkaan uu soo saaray madaxweynaha,  waxaa lagu sheegey in si rasmi ah xilkii looga qaadey Nuur Faarax Jimcaale, iyadoo  loo maray hab-raaca sharciga uu dhigayo, isla markaana sarreynta sharciga ahmiyadda koobaad la siiyey.

Arrintaan ayaa ka dambeysay kaddib markii golaha wasiirrada Xukuumadda F. Soomaaliya ay soo saareen xil ka qaadis Hanti-dhowrihii Qaranka kaddib dilka wasiirkii Howlaha Guud oo ku dhintay Rasaas ay hubiyeen ilaaladii Hanti-dhowrihii horre.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay xuska 15 guurada dib u curashada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Muqdisho Kulan kula Qaatay Duqa Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Beijing Kaga Hadlay Horumarinta iyo Casriyeynta Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...