Dowladda Mareykanka oo Hub lagula dagaallamo Argagixisada ka iibinaya Kenya

Date:

Dowladda Mareykanka ayaa caddeysay in ay qalab Miletery oo kala duwan ka iibineyso Dowladda Kenya, kaasoo qayb ka ah dhismaha keydka Ciidamada Bariga Afrika ee ay kula dagaallamayaan Argagixisada.

Qalabkaasi Ciidan oo isugu jira 12 Diyaaradood oo nooca qummaatiga u kaca ah (Helicopters) ,Maraakiibta Dagaal, Gentaallo iyo Saanado kale, ayaa ku kacaya qiima gaaraya $253 Million Dollar oo u dhiganta 25 Billion oo Shilinka Kenya ah,sida laga soo xigtay waaxda arrimaha dibedda ee Maraykanka.

Warar ayaa sheegaya in kaaliyaha ammaanka ee Dalka Marayka la filayo in loo diro Dalka Kenya, si uu halkaasi u gaarsiiyo warqad oggolaasho ah oo ka socota xukuumadda Washinton.

Qaar ka mid ah ururrada mucaaradka ee Dalka Kenya ayaa si weyn u dhaliilay tallaabadan uu Maraykanku Hubka ugu iibinayo Dowladda Kenya.

Dowladda Maraykanka ayaa dhowr goor oo hore ka iibisay Dowladda Kenya, kaasoo la sheegay iney u adeegsanayso la dagaallaanka kooxaha Argagixisada ee Geeska Afrika.

Xigasho: Daily Nation

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay xuska 15 guurada dib u curashada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Muqdisho Kulan kula Qaatay Duqa Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Beijing Kaga Hadlay Horumarinta iyo Casriyeynta Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...