Ciidanka booliiska oo xalay howlagallo ka sameeyay Muqdisho

Date:

Ciidamada booliiska Soomaaliyeed ayaa howlgal lagu adkeeynayo ammaanka xalay ka sameeyay xaafado ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Howlgalkan oo ay qeyb ka ahaayeen ciidanka booliiska AMISOM ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah degmooyinka Warta nabada, Hodan, howlwadaag Xamar jajab iyo xaafado.

Ciidamada ayaa baaritaan ku sameeynayay dadka iyo gaadiidka, iyadoo saraakiisha horkaceysay howlgalkaasi ay dadweynaha u sheegayeen in ay isdejiyaan ciidamadana gacan ka siiyaan sidii loo adkeyn lahaa ammaanka caasimadda.

Taliyaha booliiska gobolka Banaadir Axmed Xasan Maalin ayaa sheegay in ujeedada howlgalkaasi uu qeyb yahay qorshaha lagu adkeynayo ammaanka caasimadda xilliga habeenki.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhoweeyey Danjiraha Talyaaniga

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Madaxweynaha oo ka qaybgalay Salaadda Janaasadda AUN Marxuun Iimaan Maxamed Yuusuf

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Meydka Marxuum Imaam Maxamed Yuusuf oo lagu aasayo Ceel- Cirfiid

Maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso Meydka Marxuum...