Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin geeridii Wasiirkii Howlaha Guud iyo arrimaha Amniga.

Date:

Muqdisho, 4 May 2017 – Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa caawa yeeshay kulan deg-deg ah oo uu shir-guddoominayey Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Geeridii Wasiirkii Howlaha Guud iyo arrimaha Amniga dalka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo xubnaha golaha wasiirada ayaa ugu horreyn ka tacsiyadeeyey geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Marxuum Cabaas Siraaji oo ahaa wasiirka Howlaha Guud & Dib-u-Dhiska oo xalay ku geeriyooday Muqdisho. Golahu waxey qireen in marxuum Cabaas Siraaji uu ahaa iftiin soo baxaya, lahaana hiraal iyo aragti dheer oo mustaqbal fiican leh. Cabaas waxuu ahaa shaqsiga ugu da’da yar ee xubnaha golaha wasiirada, waxuuna tusaale fiican u ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed.

Golahu waxey warbixin ku saabsan falkii dilka iyo baarista socota ka dhageysteen Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo Xeer Illaaliyaha Guud, waxeyna sheegeen in baaristu socoto, isla markaasna 3 qof ay u xiranyihiin falkaas. Waxeyna golaha ka codsadeen in gacan laga siiyo baaristooda.

Kadib Golaha wasiiradu markii ay dhageysteen warbixintii falkii dilka ahaa ee loo geystay Marxuum Cabaas Siraaji, wasiirkii Howlaha Guud, iyagoo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah ballan qaadayna in wax allaale iyo waxii suurtogelinaya in baarista la soo dhameystiro ayaa waxey go’aansadeen oo si wadar-oggol ah ugu coddeeyeen in xilkii laga qaado Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka, iyadoo xilka uu si ku-meel gaar ah u sii heynayo Kuxigeenka Hanti-Dhowrka Guud.

Golaha wasiiradu waxey warbixin dheer ka dhageysteen Taliyeyaasha Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo Nabad-Sugidda ee ku aadan sidii amniga dalka oo dhan loo sugi lahaa. Warbixintaas ka dib, golaha waxey ka doodeen tallooyinka ay soo jeediyeen taliyeyaasha, waxeyna go’aamiyeen in golaha wasiirada la hor-keeno qorshe dhameystiran ee lagu sugayo amniga kasoo bilow u ah geedi socodka nabadeynta dalka.

Ugu danbeyn, Golaha ayaa tacsi u diray Ehelladii iyo asxaabtii uu ka baxay allaha u naxariistee Marxuum Dr. Maxamuud Jaamac Sifir, oo horey u soo noqday Ra’iisul Wasaare ku-xigeen kuna geeriyooday dalka Mareykanka. Wuxuuna Goluhu ALLAH uga baryey marxuumka in jannadiisa Firdowso uu ka waraabiyo.

DHAMMAAD_

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo isu diyaarineysa ka qaybgalka ciyaaraha jaamacadda Carabta

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS, mudane Maxamed Cabduqaadir...

Duqa muqdisho oo la kulmay safiirka Suudaan ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr....

Wasaaradda Warfaafinta iyo Jaamacadda Muqdisho oo kala saxiixday Heshiis Is-afgarad oo ku saabsan Horumarinta Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Taliyaha Boliiska oo Muqdisho ka daahfuray Mashruuca Nabadda iyo u Hiilinta Haweenka

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...