Madaxweynaha Cusub ee Galmudug oo loo Dhaariyay Mas’uuliyadda Cusub ee loo Dhiibay

Date:

Doorashadii maanta ka socotay Magaalada Cadaado ee lagu dooranayay Madaxweynaha Cusub ee Galmudug yeelan doonto ayaa la soo gaba gabeeyay iyadoo Xubnaha baarlamaanka  Galmudug ay madaxweyne u Doorteen Axmed Ducaale Geelle Xaaf  oo isla Goobtii lagu doortay lagu dhaariyay.

Musharrixii la tartamayay Axmed Ducaale Geelle Xaaf  ee Axmed Shariif Cali Hilowle  ayaa Hambalyo u diray  Madaxweynaha Cusub ee Galmudug.

“Doorashadii maanta Dhacday  waxa ay ahayd mid xor ah oo xalaal ah waa layga guuleystay idinkoo madaxweyne u doorateen  Axmed Ducaale waan la shaqayn doonaa Intii dooratayna waxaan ka dalbanayaa in ay la shaqeeyaan Madaxweynaha Cusub”  Ayuu yiri  Axmed Shariif Cali Hilowle oo ahaa Musharrixii la tartamayay. Madaxweynaha la doortay.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo goobta ka hadlay ayaa bogaadiyay  intii dooratay iyo intii la tartantay oo uu ka guuleystay, isagoo ballan qaaday in uu  ka shaqayn doono  Howsha adag ee loo doortay, dowladda Dhexe ee  Federaalka Soomaliya  ayuu ka codsaday in ay kala shaqeeyaan Arrimaha Galmudug.

Wasiir Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Cabdi  Faarax Juxaa ayaa  u mahad celiyay Guddigii Doorashada Madaxweynaha galmudug Howshii ay Soo qabteen, isagoo sheegay in ugu dambayn Galmudug ay yeelatay Madaxweyne .

Wasiir Juxaa ayaa kula dardaarmay Madaxweynaha Cusub  sii amba qaadista Howsha adag ee hortaalla  oo ay ka mid tahay  wada hadalladii dhawaanahaan u socday galmudug iyo Ahlusunna.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa...

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka...

Ciidanka Xoogga oo toogtay naftii hallige khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda...