Waqooyiga Kuuriya oo mar kale tijaabisay Gantaal

Date:

Mas’uuliyiin ka tirsan Kuuriyada Koofureed iyo Mareykanka, Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa mar kale tijaabisay Gantaal noociisa uu yahay  (Ballistica ) xilli mareykanka uu ku baaqay in canaqabateyn dheeri ah la saaro dalkaasi.

Kuuriyadda Koofureed ayaa sheegtay in tijaabada oo dhacday Saaka ay ku guuldareesatay Waqooyi Kuuriya halka Mareykankana uu sheegay in tani ay ka dhigan tahay in ay guuldareesatay hanjabaada Mareykanka oga imaaneysay Xukuumadda xukuumada Pyongynag

Madaxweynaha Mareykanka ayaa ku sheegay bogiisa Twitterka “Tijaabada Gantaalkaan, waxa ay ka dhigan tahay in Kuuriyada Waqooyi uusan ixtiraamin Shiinaha iyo Madaxdooda”

Ilaa hadda Waqooyi Kuuriya lagama hayo war rasmi ah oo ku saabsan tijaabadaan cusub.

Xiisadda gobolka ayaa sare usii kaceysay mudadii dambe, iyada oo labada Kuuriyaba ay soo bandhigayeen dhoolatus ciidan oo ay ku muujinayaan awoodooda Millateri.

Tijaabada Kuuriyada Waqooyi waxa ay kusoo began tahay waxyar un kadib markii  Wasiirka arrimaha Dibadda Mareykanka Rex Tellesrson uu ku baaqay in talaabo degdeg ah  laga qaado Waqooyi Kuuriya.

“waxaan ka digayaa dhibaatada ka dhalan karta, haddii aan si wadajir ah loo wajihin Waqooyiga Kuuriya ama laga gaabiyo” ayuu yiri Xoghayaha arrimaha dibadda oo ka hadlayay Golaha ammaanka.

Madaxweynaha Mareykanka, ayaa ku amaanay Shiinaha doorka ay ka qaadaneyso nabadda gobolka, hase ahaatee Trump, waxa uu carabka ku dhuftay in isaga oo kaliya uu  talaabo ka qaadayo Waqooyiga Kuuriya.

Madaxweyne Donald Trump ayaa ka digay isaga oo la hadlayay Reuters toddobaadkii u dambeeyay   in uu billaaban karo dagaal wayn oo lala galo Kuuriya Waqooyi kaas oo salka ku haya hubka nukliyeerka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Muqdisho, Khamiis, 05 Maarso 2026 – Golaha Wasiirrada ee...

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa si diirran...

Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka JFS

MUQDISHO | 05 Maarso 2026 – Wasaaradda Hawlaha Guud,...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Soo Dhaweysay Ansixinta Dhameystirka Dastuurka Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa soo...