Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay waddado dib u dayactir lagu sameynayo

Date:

Waddadan oo dhagax dhigay gudoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa ah wada laba km oo isku xirta Isgoysyada Kaaran iyo Xaawa Casir ee degmada Kaaran, taas oo si weyn u burbursaneyd isla markaana adkaa isticmaalkeeda.

Munaasabadii lagu dhagax dhigay waddadan ayaa waxaa goob joog ka ahaay xildhibaana ka tirsan golaha Shacabka, saraakiisha laamaha amniga magaalada Muqdisho qaar kamid ah dadweynaha degmadaas.

Guddoomiyaha degmada Kaaran, Cumar Meyre Macow, ayaa sheegay in dhismaha waddadan ay iska kaashadeen ganacsatada Soomaaliyeed iyo maamulka gobolka Banaadir.

“Runtii in ra’iisul wasaarihii qaranka uu noo furey waddadii Bandar-Qaasim (Dr.Kadare) maantana guddoomiyaha gobolka uu noo dhagax dhigo waddadii Kaaraan, anaga reer Kaaraan haddii aan nahay aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay,” ayuu yire guddoomiye Macow.

Xildhibaan Yuusuf Ibraahim Afrax iyo Xildhibaan Dahabo Zuusow Maxamed oo ka tirsan golaha shacabka jamhuuriyadda Soomaliya ayaa goobta ka sheegay  in dhismaha waddooyinka  ay tahay mid ay bulshada ka wada dhaxeyso.

Guddoomiyaha gobalka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa ugu baaqay bulshada reer Kaaran in ay kaalin ka qaatan nadaafada iyo bilicda magaalada.

“Mar nadaafadda waxa ugu muhiimsan waaye, Kaaraan waa amni waa meel dadka aad u degan yihiin maadaama amni tahay waddadiina loo dhisay Insha’alah Kaaraan waa u kaltan,” sidaa waxaa yiri Thaabit.

Intaa kadib ayaa duqa magaalada Muqdisho waxa uu kormeer ku sameeyay goobaha ganacsi ee ku yaala degmada Kaaran, isagoo gacan qaaday bulshada Soomaliyed ee ku sugnyed hareeraha waddooyinka waxa uuna ka wareysanaaye xaaladooda iyo cabashooyinka ay qabaan, waxaana uu  booqday mid kamid ah maqaaxiyaha ku yaala degmada halkaasi uu kala cunteeyay shacabkii goob ku sugnaay.

Dhanka kale gudoomiyaha gobalka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa booqday Isbitaalka Keysaney ee degmada Kaaran isagoo halkaasi kula kulmay bukaano qaba xanuuno kala duwan, waxa uuna gudoomiyaha uu mid mid u booqday qeybaha kala duwan ee isbitaalka .

Gudoomiyaha ayaa inta uu booqashada ku jiray waxa uu la kulmay qaar kamid ah bukaanada isbitaalka lagu daweynayo, isagoo ka wareystay xaaladooda caafimad iyo muda ay isbitaalka ku jiraan sidoo kale waxuu xaalada isbitaalka iyo baahida ka jirta ka wareystay maamulka iyo dhakhaatirta isbitaalka Keysaney.

Gudoomiyaha gobalka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa maamulka iyo dhakhaatirta isbitaalka uga mahadceliyay  sida ay ugu shaqeeyaan umadda Soomaaliyeed, waxaana uu balan qaaday in ka maamul ahaan ay gacan siin doonaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale