Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dowlad-goboleedka Galmudug oo ka warbixiyay wax-qabadkiisa

Date:

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dowlad goboleedka Galmudug Avv. Yaxye Sheekh Cali oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa ka warbixiyay waxqabadkiisa wixii ka dambeeyay markii loo magacaabay xilkaasi.

Avv. Yaxye Sheekh Cali oo dabayaaqadii bishii December ee sanadkii tegay loo magacaabay guddoomiyaha maxkamadda sare ee dowladgoboleedka Galmudug ayaa tilmaamay in uu mudnaanta koobaad siiyay sidii maxkamadaha kala duwan ee qaada dacwooyinka looga furi lahaa dhammaan deegaannada Galmudug si ummaddu u hesho nidaam garsoor oo ku dhisan caddaalad.

Guddoomiye Yaxye ayaa hoosta ka xarriiqay in dhammaan deegaannada hoos yimaadda maamulka Galmudug ee gacanta ugu jira maamulka uu ka hirgeliyay maxkamadaha madaniga iyo Racfaanka, isagoo intaa raaciyay in loo dhameystiray aqabkii ay ku howlgeli lahaayeen garsoorayaasha.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu tibaaxay in bishii Janaayo uu si rasmi ah maxkamadaha uga furay degmooyinka kala ah Cadaado, Cabuudwaaq, Ceelbuur, Balanbal, Xeraale, Hobyo,  Gaalkacyo  kuwaasoo ka kala tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud.

“31 Garsoore ayaa ka howlgasha maxkamadaha aan ka furnay labada gobol, waxeeyna qaadeen muddadaasi kiisas ciqaabeed dhan 2010 iyo 170 ah dacwooyin madani ah, haddana way socdaan kiisaska dacwooyinka oo ay qaadayaan maxkamadahaasi” ayuu yiri Guddoomiye Yaxye Sh. Cali.

Avv. Yaxye Sheekh Cali ayaa shaaca ka qaaday in dadka ku dhaqan deegaannada Galmudug ay qabeen baahiyo la xiriira dhinaca Garsoorka ka hor inta aysan furin maxkamadahaasi, wuxuuna xusay in xilligaasi ay jireen maxaabiis farabadan oo ku jiray xabsiyada oo an laheyn maxkamad qaadda kiisaskooda.

Guddoomiye Yaxye ayaa sheegay in uu qorsheeynayo sidii loo xoojin lahaa hannaanka garsoorka Galmudug, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in taasi uu ku geeleysan doono maaddaama sida uu tilmaamay in dadka reer Galmudug ay u bisilyihiin helitaanka garsoor ku dhisan Caddaalad sal adag.

Dhinaca kale guddoomiye Yaxye ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqan deegaannada Galmudug iney kala shaqeeyaan hirgelinta hannaan garsoor oo ku dhisan caddaalad, isagoo ballanqaaday iney ka go’antahay hagaajinta nidaamka Garsoorka Galmudug.

Avv. Yaxye Sheekh Cali ayaa muddo dheer ka soo shaqeeyay maxkamadaha kala duwan ee dalka , wuxuuna ka mid aha ururka Qareennada Soomaaliyeed, isagoo ah qoraa sare oo lagu xusuusto qorista kutub kala duwan oo xambaarsan macluumaad faa’iidooyin badan u leh bulshada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xukunka Dil ka Dhashay Muran kala Horeyn Timo-jare

Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsan Guutada 27-aad, ururka...

Agaasimaha Haya’adda Socdaal JFS oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Socdaalka Norway

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Soomaaliya...

‘Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeya’ (WARBIXIN) Qeybta 1-aad

Kadib markii dib loo soo doortay Madaxweynaha haatan majaraha...

Xujeyda Soomaaliyeed ee gaartay Sacuudiga oo booqday goobaha barakeysan ee Madiina

Xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkaan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa booqasho...