Barnaamijka kulanka todobaadka oo uu marti ku ahaa R/wasaare Kheyrre

Date:

R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo maanta marti ku ahaa Barnaamijka Kulanka Todobaadka ee ka baxa Tvga Qaranka ayaa wuxuu ka hadlay Arrimo badan oo ay ka midyihiin xaalada dalka haatan uu marayo, dib u heshiisiinta, Bixinta Mushaaraadka Shaqaalaha Dowladda iyo arrimo kale.

Mudane Xasan Cali Khayre R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in dowladdu ay ka shaqaynayso dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed si loo gaaro hormar iyo isbadal.

Mudane Khayre ayaa sidoo kale sheegay xukuumadda iyo dowlad gobaleedyada ka jira dalka inuu ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan iyo wadashayn, taasna ay dadaal badan ku sii bixinayso dowladda dhexe ee dalka.

R/wasaaraha Soomaaliya ayaa wuxuu tilmaamay sidoo kale asaga iyo madaxda kale ee dowladda inay ku balameen inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara is qab qabsi iyo qilaaf, ayna ku dhaqaynayaan Dadka Dadka iyo Dalka.

Ugu danbayntii R/wasaaruhu wuxuu ka hadlay Bixinta Mushaaraadka Shaqaalaha iyo ciidanka Wuxuuna cadeeyay dowladdu inay ka go’antahay in bilkasta dhamaan Shaqaalaha dowladda xuquuqdooda ay joogto u helaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka cadaaladda XFS oo qaabbilay 𝐒𝐚𝐟𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐰𝐞𝐝𝐞𝐧 𝐮 𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐲𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 XFS 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧...

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Amb. Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo booqday xarunta taliska ciidanka xudduudaha ee dowladda Ciraaq

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Dekadda Muqdisho oo yeelatay khad toos ah oo isku xiraya Soomaaliya iyo Shiinaha

-Dekadda Magaalada Muqdisho waxaa shalay si toos ah ugu...