Maamulka Hirshabeelle oo qorsheynaya in dib u habeyn lagu sameeyo garoomada cayaaraha

Date:

Wasiiirka Dhallinyarada, Dhaqancelinta iyo Cayaaraha ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdiqani Cabdullahi Hilowle (Jeenyo) ayaa sheegay in la dayactirayo garoomada kubadda cagta ku yaala magaalada Jowhar iyo garoomada kale ee ku yaala guud ahaan deegaanada Hirshabeelle.

Cabdiqani Cabdullahi Hilowle (Jeenyo) oo booqasho ku tegay garoomada kubadda cagta ee ku yaala magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa tilmaamay in ay xoogga saarayaan sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa garoomada kubadda cagta ee labadaasi magaalo ku yaala.

Cabdiqani (Jeenyo) oo ka qeybgalay daawashada mid kamid ah ciyaaraha heerka koowaad ee ka dhacday garoonka kubadda cagta ee xaafadda Horseed, kaasi oo u dhexeysay kooxaha Sahan iyo Horseed ayaa warbixin ka dhageystay Guddoomiyaha xirirka kubadda cagta ee Jowhar Guuleed Cabdi Guuleed iyo Xoghayaha xiriirka kubadda cagta ee gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Hilowle.

Wasiiirka Dhallinyarada ee Hirshabeelle ayaa Warbaahinta u sheegay  in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu dayactiri doono garoomada kubadda cagta ah, isla markaana loo sameyn doono fadhi ay dadka u soo daawasho taga ku fariistaan.

Dhanka kale Wasiiirka Dhallinyarada, Dhaqancelinta iyo Cayaaraha ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa kormeer ku tegay xarun lagu dhaqan celinayo dhallinyaro ka soo goostay maleeshiyaadka Al-Shabaab, kaasi oo ujeedkiisu ahayd u kuurgelidda xaalada nololeed ee dhallinyaradaasi.

Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa waxaa haatan ka socda tartan horyaalka heerka koowaad, taasoo ay ka qeybgalayaan 8 koox oo heerka koowaad ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...