Barnaamijka kulanka todobaadka oo uu marti ku ahaa R/wasaare Kheyrre

Date:

R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo maanta marti ku ahaa Barnaamijka Kulanka Todobaadka ee ka baxa Tvga Qaranka ayaa wuxuu ka hadlay Arrimo badan oo ay ka midyihiin xaalada dalka haatan uu marayo, dib u heshiisiinta, Bixinta Mushaaraadka Shaqaalaha Dowladda iyo arrimo kale.

Mudane Xasan Cali Khayre R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in dowladdu ay ka shaqaynayso dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed si loo gaaro hormar iyo isbadal.

Mudane Khayre ayaa sidoo kale sheegay xukuumadda iyo dowlad gobaleedyada ka jira dalka inuu ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan iyo wadashayn, taasna ay dadaal badan ku sii bixinayso dowladda dhexe ee dalka.

R/wasaaraha Soomaaliya ayaa wuxuu tilmaamay sidoo kale asaga iyo madaxda kale ee dowladda inay ku balameen inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara is qab qabsi iyo qilaaf, ayna ku dhaqaynayaan Dadka Dadka iyo Dalka.

Ugu danbayntii R/wasaaruhu wuxuu ka hadlay Bixinta Mushaaraadka Shaqaalaha iyo ciidanka Wuxuuna cadeeyay dowladdu inay ka go’antahay in bilkasta dhamaan Shaqaalaha dowladda xuquuqdooda ay joogto u helaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...