R/wasaare Xasan Cali Kheyrre oo dad shacab ah shaah kula cabay maqaayad ku taal Muqdisho

Date:

R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyrre ayaa dad shacab ah kula shaahay maqaayad ku taal degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

Ra’iisul wasaaraha oo kasoo baxay hotelka City Plaza oo xaflad dhaqaale loogu aruurinayay dadka abaaruhu saameeyeen ayaa si lama filaan ah ugu soo degay gaarigiisa, isagoo la fadhiistay dhalinyaro aad u yaryar oo maqaayad shaah ka cabayay, isagoo la  sheekeystay dhalintaasi.

“Waxan shacabkeyga u sheegaya inaan la wadaagi doono wax walba oo nala soo gudbonaada, inagoo ku jirno halganka lagu soo celinayo sharaftii dalka iyo ummadda” ayuu yiri R/wasaaraha.

Todobaadkii hore ayeey aheyd markii R/wasaare Kheyrre uu tagay xeebta xeebta Liido, isagoo kula sheekeeystay dhalinyaro u damaashaad tagtay xeebta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....