Wasiirka Cadaaladda oo ku baaqay in la dhiso Golaha adeegga Garsoorka

Date:

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Avv, Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in ay jirto baahi weyn oo dhanka Garsoonka ah, loona baahan yahay dhisidda golaha adeegga Garsoorka dalka.

 Wasiirka oo la kulmay Guddiga Garsoorka Golaha shacabka ayaa ka warbixiyay muhiimadda ay leedahay dhameystirka golaha adeega Garsoorka dalka, waxaana uu intaa ku daray in loo baahanyahay xilligan in la helo adeeg garsoor.

“Waxaa ii soo baxday inay jirto baahi aad u weyn oo xagga Garsoorka, waxaan ogaaday in laan ka mid ah laamaha dowladda aan si fiican u dhisneyn, golaha Adeegga Garsoorka ayaa meesha ka maqan, xilliga dowladdii KMG ahayd way jirtay golaha adeegga Garsoorka, balse marka ay dowladdu noqotay mid caalamka oo dhan ay aqoonsanyihiin, ma dhismin golaha adeegga Garsoorka, digreeto Madaxweyne ayaa lagu kala diray golihi horey u jiray” ayuu yiri Wasiirka Garsoorka oo hadalkiisa ku daray in ay jirto qorshe la isku dayay in la dhiso golaha adeegga Garsoorka oo Baarlamaanka horyaala, balse aan weli suurta gelin.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Avv, Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmaamay in Wasaaraddu ay xoogga saareyso in la helo golihii adeegga Garsoorka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Difaaca XFS oo shacabka Ceeldheer ku dhiirigeliyay in ay ka qeyb qaataan isdiiwaangelinta doorashada

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay...

GUDDOOMIYAHA KMG AH EE GOLAHA SHACABKA OO SI WEYN LOOGU DHOWEEYEY MAGAALADA BAYDHABO

Guddoomiyaha Kmg ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Gaashaandhigga oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka XDS oo gaaray degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Axmed...