Taliska ciidamada Nabadgelyada Waddooyinka oo baaq u diray shacabka

Date:

Taliyaha cusub ee Taliska Ciidamada Nabad gelyadda Waddooyinka Jeneraal Cali Xirsi Barre “Cali Gaab” oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta taraafikada sheegay in ciidamada Nabad gelyada Waddooyinka ay hayaan shaqo adag, isagoo intaa ku daray inay dar dargelinayaan howlaha loo xilsaaray.

 Sareeyo Guuto Cali Xirsi ayaa kula dar daarmay ciidamada Nabad gelyada Waddooyinka Xamar ka shaqeeya inay si hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday, waxa uuna u mahad celiyey madaxdii hore ee taraafikada.

Taliyaha ciidamada Nabad gelyada Waddooyinka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan ciidamada oo aysan u arkin kuwa xaquuqdooda ku xadgudbaya.

Taliska ciidamada Nabadgelyada Wadooyinka ayaa looga fadhiyaa hirgelinta sharciyada waddooyinka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 11 askari...

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay isu soo bax dadweyne oo doorashada lagu taageerayo

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre...