Wasiirka Waxbarashada oo shaaciyay xilliga uu bilaabanayo imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare

Date:

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay xiliga uu dhacayo Imtixaanka shahadiga ee Dugsi Sarre ee Dalka iyo tirada ardayda u fariisaneysa sanadkan oo ka badan kuwii sanadkii hore u fadhiista Imtixaanka mideysan ee dowladda.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dalka Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa sheegay in dhawaan la bilaabi doono qaadista imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare ee dalka, isagoo ardayda u rajeeyay inay ku guuleystaan imtixaanka.

“Waxaan rabnaa inaan shaacino in Imtixaankii dugsiga sare ee Shahaadiga la qaadi doono 20-ka bisha May ee sanadkan, waana sanadkii sadexaad ee ay qabaneyso Wasaaradda Waxbarashada, waxaana ka qeyb galaya 23,000 (saddex iyo labaatan kun) oo arday, waxaana uu ka bilaabanayaa ilaa iyo afar dowlad goboleed oo kala ah, Jubaland, Koonfurgalbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, waxaana ardayda u rajeyneynayaa in ay ku guuleystaan imtixaanka” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dalka Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa xusay inay tahay wax lagu farxo in tiro ka badan kuwii sanadkii hore ay sanadkan imtixaanka u fadhiisanayan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....