Isutaga Imaaraadka Carabta (UAE) oo yabooh 45 milyan oo dollar u sameeyey shacabka Soomaaliyeed

Date:

Muqdisho, 23 April 2017 – Safiirka dalka Isutaga Imaaraadka Carabta (UAE) ee Soomaaliya Mudane Mohamed Al-Othman oo booqasho ku yimid xafiiska Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya ayaa la kulmay Wasiir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo ay ka wada hadleen arrimo fara badan.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa ugu horeyntii uga mahadceliyey safiirka booqashadiisa Wasaarada Warfaafinta, isagoo lagu soo wareejiyey xarunta SNTV iyo Keydka Raadiyo Muqdisho. Sidoo kale Eng. Yarisow ayaa safiirka uga mahadceliyey dadaalka dalka Imaaraadka ee ku aadan u gurmadka abaaraha oo Bisha Cas ee Imaaraadka ay maalmahan dalka gudihiisa ku qeybinayeen raashin gar-gaar ah oo la gaarsiiyey dadka abaarahu ay saameeyeen.

Eng. Yarisow “Waxaan si gaar ah uga mahadceliyey shacabka iyo Dowlada Imaaraadka yaboohii ay Telefishinada dalka Imaaraadka ka sameeyeen maalintii Jimcaha 21kii April oo ay muddo lix saax ah ku ururiyeen lacag dhan 167 milyan UAE Dirham oo u dhiganta 45 milyan dollar. Tani waxey na tuseysaa in Imaaraadku ay yihiin wallaalo u naxay shacabka Soomaaliyeed oo si hagar la’aan ah u doonaya inay u garab istaagaan. SNTV waxuu ku guuleystay inuu si toos (live) ah yaboohaas ugu soo tabiyey shacabka Soomaaliyeed. “

Wasiir Eng. Yarisow iyo Safiir Mohamed Al-Othman ayaa sidoo kale ka wada hadlay horumarinta warbaahinta dalka, gaar ahaan sidii suxufiyiinta Soomaaliyeed loo kordhin lahaa aqoontooda, xirfadooda iyo waayo-aragnimadooda. https://www.youtube.com/watch?v=N-H_g7rH5pQ

Halkan ka daawo barnaamij gaar ah oo SNTV ay ka sameeyeen barnaamijkii yabooha Jimcaha https://www.youtube.com/watch?v=rG4CG-SzaPM

DHAMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: NISA oo mid dishay, midna nolosha ku qabatay rag dil ka geysa rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...