Madaxweynaha Soomaaliya iyo wefdi uu hogaaminayo oo ku wajahan Baydhabo

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta lagu wadaa in uu gaaro magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Amaanka magaalada Baydhabo ayaa saakay si weyn loo adkeeyay, waxaana wadooyinka magaaladaasi gala lagu arkayay dadweyne aad u farabadan kuwaasi oo isku diyaarinaya soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehliyo wasiirka gargaarka iyo arimaha bini’aadanimada Marwo Maryan Qaasim waxayna kulamo la qaadan doonaan Madaxda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo qeybha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi, waxaana socdaalka Madaxweynaha la xariirtaa u kuur galida xaalada amaan iyo mida bini’aadanimo ee ka jirto Koonfur Galbeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...