Taliyaha ciidanka Asluubta oo ka digay in la dhisto dhulalkii ciidanka

Date:

Taliyaha ciidanka Asluubta Sareeyo Gaas Xuseen Xasan Cismaan iyo saraakiil uu hogaaminayo ayaa maanta kormeeray dhul ku yaala degmada Karaan oo ay leeyihiin ciidanka Asluubta, kaasi oo ujeedkiisu ahayd u kuurgelidda dhulka oo kaabiga ku haya Isbitaalka Keysaney.

Taliyaha ayaa ku soo wareegay qeybaha uu ka koobanyahay dhulka, waxaana halkaasi ka socotay howlo dhismo ah.

Sareeyo Gaas Xuseen Xasan Cismaan oo kormeerka kaddib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa digniin u jeediyay dadka sida sharci darrada ah u dhisanaya xarumaha danta guud, waxaana uu intaa ku daray in ciddii lagu hela iyada oo dhisaneyso xarumaha ciidanka Asluubta laga qaadi doono tallabo sharciga waafaqsan.

“Waxaan u sheegeynaa shacabka iyo ganacsatada ku howlan dhismaha xarumaha ciidanka Asluubta inay joojiyaan dhismooyinka sharci darrada ah, cid Alaalle iyo ciddii dhisatana waan ka bur burineynaa dhismooyinka” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Asluubta.

Taliyaha ciidanka Asluubta Sareeyo Gaas Xuseen Xasan Cismaan ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay waxa uu bilaabay kormeeridda xarumihii ciidanka Asluubta, waxaana taasi ay qeyb ka tahay dadaallada uu kaga hortagayo in la boobi dhulkii ay lahaayeen ciidanka Asluubta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wakiilka Soomaaliya u qaabbilsan IAEA oo warqadaha aqoonsiga u gudbisay Agaasimaha Guud ee hay’adda

Safiirka Soomaaliya u fadhida Austria iyo Switzerland, ahna wakiilka...

Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka oo sheegay in dib loo billaabay diiwaan-gelinta dadweynaha gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha, Cabdikariin...

Hay’adda SoDMA oo daahfurtay shir ku saabsan kahortagga leexsiga gargaarka bani’aadannimada

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) oo kaashanaysa Sanduuqa Carruurta...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey shirka 2-aad ee cimilada Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...