Tababbar ku saabsan tayaynta shaqaalaha dowladda oo la soo gabo gabeeyay

Date:

Tababbarkaan Tayeynta shaqaalaha Dawladda ayaa waxaa ka qaybgelay inka badan 100 Shaqaale oo ka kala socday qaar ka mid ah Hay’adaha Dawladda, kaasi oo socday muddo Shan maalmood ah, iyadoo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen Dawladda Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka.

Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Prof Maxamed Axmed Jimcaale ayaa tilmaamay Jaamaddu ay kaalin fiican ka qaadatay tababbarkan, isagoo intaa ku daray in qiimeyn lagu sameyn doono dadkii ka faa’iideystay tababbarka.

Xiriiriyaha Mashruuca Tayeynta Hay’adaha Dawladda Cumar Maxamed Cabdi ayaa sheegay in tababbarkan uu door muhiim ah ka qaadan doono kobcinta aqoonta shaqaalaha dowladda, ayna joogteyn doonaan tababbarada nuucaani ah.

Madaxa Mashruuca Tayeynta Hay’adaha Dawladda ee Xafiiska Ra’iisulwasaaraha Xasan Cabdullaahi Diiriye ayaa tilmaamay faa’idada ku jirta in gudaha Soomaaliya lagu bixiyo tababbarkan oo ku sheegay

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada C/siis Saalax Carmaan oo ka soo qaybgalay tababbarka ayaa sheegay in siminaarkan oo furmay 15-kii bishan ay tahay wax aad u weyn loogu farxo, waxaana uu kula dar daarmay inay ku dabaqaan howlaha loo idmaday.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Saalax Axmed Jaamac oosoo xiray tababbarka ayaa ku bogaadiyay ka qaybgalayaasha in ay ugu faa’ideeyaan Shaqaalaha kale ee aan nasiibka u yeelan fursadan, waxaana uu intaa ku daray inay sameynayaan nidaam shaqaalaha dowladda lagu tababarayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Ku-xigeenka Aqalka Sare oo guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Aqalka Sare ee BJFS,Mudane Cali Shacbaan...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo guddoomiyay shirka billaha ah ee Agaasimayaasha Waaxyaha

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka...

Wasaaradda Qoyska oo daahfurtay tababar ku saabsan doorka haweenka ee geeddi-socodka nabad-dhiska Soomaaliya

Wasaaradda Qoyska, Horumarinta iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo kaashanaysa...

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska oo shahahaadada Master Degree ka qaatay dalka Ruushka

Afar sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa...