Xoolahaaga ama xirfadaada ayaa loo qaadanaya lacagaha waxbarashada Iskuulada Zimbabwe

Date:

Mogadishu(SONNA)-Waalidiinta reer Zimbabwe ee aanay awoodin in ay iska bixiyaan lacagaha iskuulada lagu bixiyo(School fees) waxa ay ku bixin karaan xoolahooda sida ariga-kan cad iyo idaha ama shaqooyin kale ayey u qabanayaan iskuulada ay carruurtooda wax uga barto.

Wasiirka Waxbarashada Zimbabwe, Lazarus Dokora ayaa u sheegay wargayska ‘Sunday Mail’ oo dawlada taabacsan  in ay iskuulada meel uun ku dheganaanayn marka ay timaado dalabka lacagta waxbarasho ee waalidka laga doonayo.

“Waa in ay aqbalaan iskuulada xoolo kaliya maahee ee ay sidoo kale ay adeegyada iyo xirfadahooda ay ku bedeshaan oo u  qaataan lacagta waxbarashada ‘School fees’, haddii bulshada uu ku jira qof wax dhisaya waa in iyada ama isaga la siiyaa fursad uu uga shaqeeyo iskuulka loona qaato lacagta waxbarasha ee carruurtiisa”, sidaas waxaa laga soo xigtay Wasiirka Waxbarashada dalkaasi.

Mas’uul ka tirsan wasaarada ayaa ku sifeeyay hadalka Wasiirka in dadka ku dhaqan miyiga ay xoolaha ay iskaga bixin karaan lacagaha waxbarashada halka kuwa magaalada ku dhaqan ay ku bedelanayaan xirfadahooda oo ay u shaqaynayaan iskuulada.

Baarlaman Zimbabwe ayaa todobaadkan ku soo kordhay Bangiyada dalkaasi sharci u ogolaanaya kuwa wax ka amaahsanaya in ay diiwan gashan karaan hantida dhaq-dhaqaaqda sida gaadiidka, mashinada sida ay BBC-da Qaybteeda ganacsiga ku waramayso.

Zimbabwe ayaa ka jirta xaalad aad u daran oo dhinaca dhaqaalaha ah waxaana safaf dhaadheer oo saacado qaato loo galaa in Bangiyada lagala soo baxo lacago ‘Cash’ ah waxana dadka dhaliila dawlada ay sheegayaan in ay jirto maalgeshi la’aan iyo shaqo la’aan.

Arrinta waxa ay noqotay sheeko aad looga hadal hayo gudaha dalkaas oo baraha bulshada sida Twitter-ka ayaa looga faanoolanayaa, waxaana dalkaasi ka taliya Madaxweyne, Ruber Mugabe oo dhalinta Africa ka samaysa hadalo maad ah.

Zimbabwe waxaa maalintii shalay ay u dabaal degtay sannad guuradii 37-aad ee ka soo wareegatay xiligii uu dalkaasi madax-banaanida uu qaatay.

Waxa Tarjumay oo isku duway:

Maxamed Cisman Cabdi “Black Cobra”

SONNA-Muqdisho

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka labada Aqal oo shaaciyay xiliga u furmi doono kalfadhiga 8-aad ee BJFS

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Taliska Qeybta 27-aad ee CXDS oo digniin u diray dadka la shaqeeya Khawaarijta ee Hiiraan

Korneyl Cali Axmed Xaashi (Cali Cagey), Taliyaha Qeybta 27-aad...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyadeeysay geerida AUN Maxamuud Cabdi Cali Ducaale

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka oo Guddoomay Nuqullada Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Brazil

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...