Hooyo iyo labadeeda Carruur ah oo gaajo ugu geeriyooday Gobolka Mudug

Date:

Deeganka Hilme ee gobolka Mudug ayaa lagu soo waramaa in Hooyo iyo labo carruur ah oo ay dhashay ugu geeriyoodeen gaajo iyo haraad, kaddib markii ay saameysay abaarta halkaasi ka jirta.

Cali Aadan Dheere Guddoomiyaha deegaanka Hilme ayaa sheegay in biyo la’aan ay ka jirto deegaanka iyo deegaannada ku xeeran, waxaana uu intaa raaciyay in fuustidii biyaha ay ka joogto 180kun, taasi oo maalmihii dhawaa la waayay.

“Saddex qof ayaa dhintay, waana hooyo iyo labadeena carruur ah, gaajo iyo haraad ayay u dhinteen, baraakadihii ay biyaha ka cabi jireen waa ay jabeen, mana jiraan meel ay dadka xoolo dhaqato aadaan, maadaama ay xoolihii ka dhamaadeen” ayuu yiri Cali Aadan.

Inta la xaqiijiyay labadii todobaad ee la soo dhaafay dadka u dhintay abaarta ka jirta gobolka Mudug awgeed waxa ay gaarayaan 16 qof.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo Muqdisho keentay eedeysanayaal laga soo qabtay deegaannada Kaxandhaale iyo Balihowd ee gobolka Galgaduud

Iyadoo la fulinayo amarka Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad...

Wasiirka Waxbarashada oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah (TICA)

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ee Goboleedka Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha oo gaaray magaalada Baydhaba

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...