Kulan looga hadlaayey tayeyta Waxbarashada Dalka oo Magaalada Muqdisho lagu qabtay

Date:

Kulankan oo ujeedkiisu ahaa  tayeynta waxbarashada Dalka ayaa waxaa  Magaaladda Muqdisho ay ku yeeshay  Wasaaradda Waxbarashada  iyo Tacliinta sare ee Dowladda Federaalka ah iyo Wasaaradaha Waxbarashada ee Dowlad Goboleeedyada,waxaana kulanka soo qaban qaabisay Wasaaradda Waxbarashada , Hidaha iyo Tacliinta sare ee Dowladda Federaalka ah.

Kulanka ayaa qeybtiisa hore looga hadlay kulamo wada tashi oo horey wasaarada waxbarashada ee dowladda Soomaaliya ay ugu  qabatay qeybaha waxbarashada ee Dowladda Goboleedyada ,waxaana wasiirada waxbarashada ee Dowlad Goboleedyada ay ka hadleen aragtidooda kulankan iyo sida ay la tahay in waxbarashada dalka lagu horumarin karo.

Wasiiru Dowlada Wasaaradda Waxbarashada ee Dowladda Soomaaliya Xildhibaan C/raxmaan Maxamuud C/lle ‘’Jaabiri iyo Wasiir ku xigeenka wasaaradda Xildhibaan Feysal Cumar Guuleed ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliyeed ay ka go’antahay horumarinta waxbarashada dalka islamarkaana looga baahanyahay Dowladda Goboleedyada in ay ku dadaalaan horumarinta waxbarashada deegaanadooda.

Wasiirka Arimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisinta ee Dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid ‘’Juxa’’ ayaa kula dardaarmay Madaxda waxbarashada ee Dowlada Dhexe iyo Dowlad goboleedyada in la sameeyo Xarumo dowladeed,iyadoo laga tala gelinaayo Daladaha waxbarashada maadaamaa ay door muhiim ah ku leeyihiin horumarinta waxbarashada ee dalka.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cusmaan ayaa sheegay in ujeedka uu yahay in ubadka Soomaaliyeed uu helo waxbarasho tayeysan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...